
Arbaco, Agoosto 5, 2026 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay in Ciidankeeda ay hawlgal amni ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaas oo ay sheegeen in lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad hubaysan.
War-saxaafadeed kasoo baxay ciidanka Booliiska Puntland ayaa lagu sheegay in hawlgalku uu yahay qayb ka mid ah dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo sarreynta sharciga, iyadoo lagu beegsanayo kooxo ay ku tilmaantay inay khatar ku yihiin nabadda iyo kala dambeynta.
Taliska ciidanka Booliiska Puntland waxay sheegeen in hawlgalku uu weli socdo, islamarkaana loo fulinayo si waafaqsan sharciga iyo habraacyada ciidamada ammaanka. Ciidanka ayaa intaas ku daray in tallaabooyin sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo falal ka dhan ah amniga iyo kala dambeynta.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay in Puntland aysan u dulqaadan doonin koox ama shaqsi kasta oo ay ku eedeysay inuu halis gelinayo amniga iyo xasilloonida ama u adeegayo cadowga Puntland.
Puntland ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay hawlgalka ama kooxaha la beegsaday, balse waxay sheegtay in xog dheeraad ah la wadaagi doonto marka uu hawlgalku soo gabagaboobo.
Hawlgalkan ayaa imaanaya iyadoo saacadihii la soo dhaafay magaalada Gaalkacyo ay ka dhaceen iska horimaad u dhexeeya ciidamada Puntland iyo ciidamada PSF, kaasoo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.