Puntland oo Dowladda Federaalka ku eedeysay inay ciidamo iyo hub geysay Gaalkacyo

Cabirka Farta

Puntland oo Dowladda Federaalka ku eedeysay inay ciidamo iyo hub geysay Gaalkacyo

Talaado, Agoosto 4, 2026 (HOL) - Puntland ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ciidamo iyo hub u dirtay deegaannada uu maamulo, gaar ahaan Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, iyadoo sheegtay in tallaabooyinkaasi ay khatar ku yihiin amniga iyo xasilloonida gobolka Mudug.

War-saxaafadeed ay Madaxtooyada Puntland soo saartay ayaa lagu sheegay in hub la sheegay in laga soo gudbinayay dhinaca Galmudug ee magaalada Gaalkacyo la hakiyay, taasoo sida Puntland sheegtay dhalisay iska horimaad sababay khasaarooyin, inkastoo aan la shaacin tirada khasaaraha.

Puntland waxay sidoo kale sheegtay in ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay saldhig ka sameysteen magaalada Gaalkacyo iyada oo aan lagala tashan maamulka Puntland. Waxay ku doodday in arrintaasi ay jebinayso heshiisyo hore oo la xiriiray wadaagga amniga iyo maamulka gobolka Mudug, isla markaana ay abuuri karto xiisado amni oo hor leh.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Puntland ay la xiriirtay maamulka Galmudug iyo hay'adaha amniga, iyadoo ka codsatay in ciidamada Dowladda Federaalka laga saaro goobaha ay ku sugan yihiin si looga hortago, sida ay sheegtay, xaaladda amni ee sii xumaan karta.

Puntland waxay bogaadisay maamulka Galmudug, ciidamada iyo shacabka ay sheegtay inay ka hortageen isku dayo lagu qalqalgelinayo amniga gobolka Mudug, iyadoo xustay in labada maamul ay leeyihiin xiriir derisnimo, wada noolaansho iyo iskaashi soo jireen ah oo muhiim u ah ilaalinta nabadda.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale eedeyn loogu jeediyay madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, inuu hurinayo colaado ka dhaca gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo. Puntland waxay sheegtay inay isaga dusha ka saarayso mas'uuliyadda wixii amni darro ah ee ka dhasha xaaladda taagan.