In ka badan 500 oo dhalinyaro ah oo ka qeyb galay tartan orod oo lagu muujinayay nabadda Muqdisho

Cabirka Farta

In ka badan 500 oo dhalinyaro ah oo ka qeyb galay tartan orod oo lagu muujinayay nabadda Muqdisho

Jimco, Abriil 10, 2026 (HOL) - In ka badan 500 oo dhalinyaro ah ayaa ka qeyb galay tartan orod ah oo lagu qabtay caasimadda Muqdisho, kaas oo lagu muujinayay horumarka amni iyo nabadeed ee Muqdisho, isla markaana dib loogu soo nooleynayo isboortiga dalka.

Tartankan oo ahaa mid furan (open) ayaa u ogolaanayay qof kasta oo Soomaali ah inuu ka qeyb galo, iyadoon loo eegin da’, xirfad ama heer ciyaareed. Mas’uuliyiinta isboortiga dalka ayaa sheegay in tartanku yahay mid lagu ogaanayo hibada cusub ee ciyaartoyda, si mustaqbalka loo horumariyo loona gaarsiiyo heer caalami.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdiqaadir, ayaa sheegay in tartanka sanadkan lagu xusay halyeeyo hore oo orodyahanno ahaa si ay dhiirigelin ugu noqdaan jiilka cusub.

“Sanadkan tartanka orodka gaaban waxaan ku xusnay halyeeyo hore oo orod ahaa sida Jaamac Karaaciin iyo Saamiya, si ay tusaale ugu noqdaan dhalinyarada,” ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu intaas ku daray in ciyaartoyda laga dhex xuli doono tartankan la siin doono tababaro gaar ah, isla markaana loo diyaarin doono inay matalaan Soomaaliya mustaqbalka.

Sidoo kale, tartanka ayaa waxaa ka qeyb galay raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo madax sare oo ka tirsan dowladda iyo bahda isboortiga, iyadoo wasiirku uu hambalyo u diray dhammaan ciyaartoydii guuleysatay.

Wasiirka ayaa tilmaamay in qorshuhu yahay in sanadaha soo socda la gaarsiiyo heerar caalami ah, lana kordhiyo masaafada orodka si loo buuxiyo istaandarrada caalamiga ah.