Xarunta Daraasaadka Soomaaliyeed ee ugu horreysay oo laga hirgeliyay Shiinaha

Cabirka Farta

Xarunta Daraasaadka Soomaaliyeed ee ugu horreysay oo laga hirgeliyay Shiinaha

Jimco, Abriil 10, 2026 (HOL) - Xarunta Daraasaadka Soomaaliyeed ee ugu horreysay ayaa si rasmi ah looga daah-furay dalka Shiinaha, munaasabad ka dhacday Jaamacadda Yangzhou, taas oo loo arko tallaabo muhiim u ah xoojinta xiriirka waxbarasho iyo cilmi-baariseed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Shiinaha, Hodan Osman Abdi, ayaa sheegtay in furitaanka xaruntan uu yahay “mid taariikhi ah oo qiimo gaar ah leh,” iyadoo tilmaantay in ay muddo dheer rajeynaysay in Soomaaliya ay ka hesho matalaad aqooneed oo rasmi ah gudaha hay’adaha waxbarasho ee Shiinaha.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeyb galay Raktarka jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Dr. Maxamed Maxamuud, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin dowladeed, hoggaanka jaamacadda iyo aqoonyahanno ka kala socday Soomaaliya iyo Shiinaha.

Danjire Hodan ayaa sheegtay in xaruntan aysan ahayn oo keliya goob waxbarasho, balse ay tahay meel lagu fahmi karo Soomaaliya si qoto dheer, laguna soo bandhigi karo taariikhda, suugaanta iyo waaya-aragnimada bulshada Soomaaliyeed “iyadoo la ilaalinayo sharafta iyo codka Soomaaliyeed.”

Intii ay socotay munaasabadda, waxaa sidoo kale la qabtay madal cilmiyeed oo diiradda lagu saaray xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha, fursadaha iskaashi ee mustaqbalka, iyo doorka cilmi-baaristu ka qaadan karto horumarka Soomaaliya. Ka qeybgalayaashu waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda aqoonta iyo cidda soo saarta, iyo sida loo qaabeeyo.

Sidoo kale, waxaa la saxiixay heshiis is-afgarad (MoU) oo u dhexeeya Somali National University iyo Yangzhou University, kaas oo furaya fursado cusub oo ay ka mid yihiin is-weydaarsiga ardayda, cilmi-baaris wadajir ah, iyo iskaashi waxbarasho oo waqti dheer ah.

Danjiraha ayaa uga mahadcelisay Jaamacadda Yangzhou iyo dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay hirgelinta mashruucan, iyadoo si gaar ah u xustay aqoonyahannadii Soomaaliyeed ee u safray Shiinaha si ay uga qeyb qaataan munaasabadda.

Furitaanka xaruntan ayaa loo arkaa bilow cusub oo xoojinaya fahamka iyo iskaashiga labada dal, iyadoo la rajeynayo in ay door muuqda ka qaadato horumarinta cilmi-baarista iyo xiriirka dhaqameed ee Soomaaliya iyo Shiinaha.