Garsoore Cumar Cartan oo ka hadlay safarkiisa Koobka Adduunka 2026

Cabirka Farta
Maqal
0:00
0:00

Garsoore Cumar Cartan oo ka hadlay safarkiisa Koobka Adduunka 2026

Jimco, Abriil 10, 2026 (HOL) - Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa noqday garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee loo xusho inuu ka mid noqdo garsoorayaasha Koobka Adduunka 2026 ee ay qabanqaabiso FIFA.

Wareysi uu bixiyay, ayuu garsoore Cartan ku sheegay in guushan aysan ahayn mid isaga keliya ku eg, balse ay tahay mid ay wadaagaan dhammaan umadda Soomaaliyeed. Wuxuu xusay in heerkan uu ku gaaray dadaal socday sanado badan, isagoo tilmaamay inaysan ahayn wax hal maalin ama laba lagu gaaro, balse ay ka dambeyso shaqo joogto ah, karti iyo fursado uu helay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in inkastoo Soomaaliya lagu tilmaamo dal aan horumar badan ka jirin, haddana ay suuragal tahay in qof ku nool gudaha dalka, gaar ahaan Mogadishu, uu gaaro heerar caalami ah haddii uu muujiyo dadaal iyo adkeysi.

“Qofku meesha uu joogo kama xirmo, waxa uu ku xiran yahay dadaalka uu sameeyo,” ayuu yiri.

Cartan ayaa intaa ku daray in guushiisa ay ka dambeyeen dad badan oo garab istaagay, oo ay ku jiraan macallimiin, xiriirka kubadda cagta iyo ciyaartoy uu la soo shaqeeyay, kuwaas oo uu sheegay inay door weyn ku lahaayeen horumarkiisa.

Marka laga hadlayo caqabadaha jira, wuxuu tilmaamay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay haystaan karti badan balse ay u baahan yihiin fursado iyo maalgashi dhab ah. Wuxuu xusay in mararka qaar ciyaartoyda iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed ay ku qasbanaadaan inay matalaan dalal kale sababo la xiriira taageero la’aan.

Ugu dambeyn, garsooraha ayaa fariin dhiirrigelin ah u diray dhalinyarada Soomaaliyeed, isaga oo ku boorriyay inay ka fogaadaan ku mashquulidda sumcad degdeg ah oo ka timaadda baraha bulshada sida TikTok iyo Facebook, isla markaana ay xoogga saaraan dadaal, waxbarasho iyo horumar waara. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in guusha dhabta ahi ay timaaddo marka qofku si joogto ah ugu shaqeeyo riyadiisa, isla markaana uu ka faa’iideysto kartida uu Alle siiyay.

Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa horey uga soo muuqday tartankii kubadda cagta ee Qaramada Qaaradda Afrika ee bishii December 2025 lagu qabtay Morocco, balse in loo xusho tartanka koobka adduunka waa guushii  ugu sarreeyay ee uu ka gaaro xirfaddiisa garsoorenimo.