
Khamiis, Abriil 9, 2026 (HOL) - Markabka shidaal qodista ee dalka Turkiga ayaa soo gaaray dekedda Muqdisho si uu u bilaabo howlgalka qodista shidaalkii ugu horreeya ee Ankara ka fuliso dibadda.
Safiirka Soomaaliya ee Turkiga, Fathudin Ali Ospite ayaa sheegay Imaatinka markabka Çagrı Bey ee xeebaha Soomaaliya ay tahay tallaabo weyn oo dalka uu u qaaday dhinaca isku filnaanshaha dhaqaale, isla markaana muujinaysa xoojinta iskaashiga tamarta ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Safiirku wuxuu intaas ku daray in howlgelinta markabkan ay ka dambeysay sahanno hore oo seismic ah oo uu sameeyay markabka Oruç Reis, kuwaas oo qayb ka ahaa heshiis iskaashi oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga 18-kii bilood ee la soo dhaafay.
Ambassador Ospite wuxuu muujiyay kalsooni ah in dadaallo ku filan la sameeyay si loo bilaabo soo saarista shidaalka iyo gaaska badda hoosteeda, taasoo si weyn uga qayb qaadan doonta horumarka dhaqaale ee Soomaaliya.
Qodista shidaalka ayaa la qorsheeyay in ay gaarto masaafo dhan 7,500 mitir muddo lagu qiyaasay 288 maalmood. Goobta ceelka laga qodayo oo ah ceelka Curad-1, ayaa qiyaastii 372 kiiloomitir (231 mayl) u jirta xeebta Muqdisho, sida lagu sheegay xog ay Wasaaradda Tamarta ku baahisay X.
Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ka qeyb galay soo dhoweynta Muqdisho, ayaa markabka Cagri Bey ku tilmaamay rajada soo saarista khayraadka ku jira badda Soomaaliya.