
Khamiis, Abriil 9, 2026 (HOL) - Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan, ayaa si rasmi ah uga mid noqday liiska garsoorayaasha loo xushay inay ka qeyb qaataan Koobka Adduunka ee FIFA 2026, taasoo ka dhigan guul taariikhi ah oo u soo hoyatay kubadda cagta Soomaaliya.
Cumar Cartan ayaa noqday garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee gaaray heerkan caalamiga ah, kaddib markii magaciisa lagu daray liiska rasmiga ah ee garsoorayaasha tartanka oo lagu qaban doono qaaradda Ameerika, gaar ahaan dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay garsooraha, iyadoo qoraal ay ku daabacday baraha bulshada ku sheegtay in tani ay tahay tallaabo weyn oo kor u qaadaysa sumcadda dalka ee dhinaca ciyaaraha.
“Hambalyo Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan oo taariikh cusub u qoray kubadda cagta Soomaaliya, kana mid noqday garsoorayaasha Koobka Adduunka 2026,” ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda.
Dhankiisa, Garsoore Cumar ayaa si kooban uga falceliyay warka, isagoo bartiisa Facebook ku qoray: “Alxamdulillaah,” taasoo muujinaysa farxaddiisa iyo mahadnaqa uu u hayo guushan weyn.
Sidoo kale, Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed (SFF), Cali Cabdi Maxamed, ayaa hambalyo rasmi ah u diray Cumar Cartan, isagoo ku ammaanay dadaalka, kartida iyo heerka sare ee uu ka gaaray garsoorka caalamiga ah.
Cali Shiino ayaa tilmaamay in xulashada Cumar ay tahay sharaf weyn oo u soo hoyatay Soomaaliya, isla markaana ay dhiirrigelin u noqon doonto dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku hamineysa inay gaaraan heerar caalami ah.
Ugu dambeyn, wuxuu u rajeeyay garsooraha inuu si hufan oo sharaf leh u guto waajibaadka culus ee loo igmaday inta uu socdo tartanka Koobka Adduunka 2026.