
Sabti, December 6, 2025 (HOL) - Wasiirkii Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa ku dhawaaqay inuu iscasilay kadib markii go’aankii uu warbaahinta ka akhriyay Khamiistii ee uu ku fasaxay munaasibadda Xeer Ciise uu sababay rabshado ay ku dhinteen dad badan oo ka dhacay magaalada Borama.
Wasiir Ayaanle, oo aan warbaahinta lagu arag labadii cisho ee bannaanbaxyadu ka socdeen magaalada Borama, ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu u wakiishay go’aankii qadhaadhaa ee lagu fasaxay Xeer Ciise, isla markaana go’aankii umada dajiyay uu madaxweynuhu isugu isku qoray oo uu afhayeen isku noqday.
“Kuma sawirmi karo go’aanka qadhaadh ee dhimbiilaha ku ah reerkayga iyo gobolka inaan anigu, Axmed Yaasiin ahaan, qaato oo aan ka ku dhawaaqo noqdo; ka macaan ee qabow ee tolka dejinayana madaxweynuhu isku qoro” ayuu yidhi Wasiir Ayaanle.
Waxa uu madaxweynaha ku tilmaamay nin gob ah oo jaanis u siiyay inuu la shaqeeyo, isagoo sheegay inuu uga mahadcelinayo wada-shaqayntii. Waxa uu intaas ku daray inuu maanta u tagay madaxweynaha oo uu u gudbiyay warqaddiisa iscasilaadda, isla markaana uu ka aqbalay, iskuna soo duceeyeen.“Qaranka Somaliland waan u ducaynayaa, waanan u mahadnaqayaa sida ay ii garab taagnaayeen intii aan xilka hayay,” ayuu yidhi.
Wasiirku waxa uu talo gaar ah u diray dadweynaha gobolka Awdal, isaga oo ku waaniyay inay nabadda ilaashadaan oo aanay gelin dagaal aanay dhammaadkiisa garanayn. Waxa uu kula taliyay in dadka reer Awdal aanay isku dirin bulshooyinka ay deriska yihiin.
“Maanta halkaynu marayno waa meel wanaagsan. Waxa aad diidaysaan xaq baad u leedihiin, laakiin wax aynaan natiijadiisa mahadin doonin—wax cadowgu ka faa’iidaysan karo, wax taariikh madow inaga gelin kara—inaga ilaaliya. Waa iga tolnimo iyo talo,” ayuu yidhi Wasiirku.
Xaaladda magaalada Borama ayaa caawa degan kadib markii Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, uu joojiyay xafladdii Xeer Ciise, waxaana loo ballamay in 10-ka bisha loo fadhiisto gogol nabadeed.
Hase yeeshee, Beesha Ciise ayaa dhankooda ka cadhootay go’aanka dambe ee xukuumadda, iyagoo ku adkaysanaya in munaasibadda xeerka la oggolaado.