
Sabti, December 6, 2025 (HOL) - Wasiirru dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad, ayaa sheegay in dowladda federaalka ay si dhow ula shaqeyso Somaliland, isaga oo tilmaamay in labada dhinac ay yeeshaan xiriir toos ah oo joogto ah.
Wasiirku wuxuu caddeeyay in Somaliland ay weli ka mid tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayna socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in xal waara laga gaaro arrimaha u dhexeeya labada dhinac.
Isagoo ka hadlayay waraysi uu siiyay Doha News, Cali Cumar Balcad wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay wada-hadal iyo in la helo hannaan siyaasadeed oo mideeya aragtida shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Wuxuu intaas ku daray in xiriirka dowladda federaalka iyo Somaliland uu yahay mid si toos ah u socda oo ku dhisan isfaham iyo wadashaqeyn.
Wasiiru-dawluhu wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in xal ku saabsan arrimaha Somaliland la heli doono waqtiga ku habboon, isaga oo ku celceliyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay wada-hadal kasta oo horseedi kara nabad iyo midnimo qaran. “Waxaan rajeyneynaa in aan gaari doono heshiis, waqti dhowna la heli doono xal siyaasadeed,” ayuu yiri.
Cali Cumar Balcad ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda istaraatiijiga ah ee gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan marinka badda ee Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. Wuxuu xusay in muhiimadda gobolka ay aad u kordhay tan iyo markii la sameeyay Kanaalka Suways, oo noqday jid muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah.
Wasiirku wuxuu tilmaamay muhiimadda Soomaaliya ee ku aaddan ganacsiga iyo istaraatiijiyadda badda, isagoo xusay in sanadkii 1884 oo ah xilligii Afrika la kala qabsaday Soomaaliya loo kala qaybiyay shan qaybood sababo la xiriira muhiimadda juqraafiyeed ee ay leedahay.
Wasiirku wuxuu sheegay in xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka ay saameyn ku yeelan karto ganacsiga caalamiga ah iyo xasiloonida gobolka, Soomaaliya ay ku jirto meel dhexe oo muhiim ah.