
Sabti, December 6, 2025 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheysnaa si wadajir ah uga fuliyay deegaanka Coosweyne ee gobolka Galgaduud.
Howgalkan ayaa la sheegay in ciidamada iskaashanaya ay ku dileen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo halkaasi fariisimo ku lahaa, kadib iska hor imaad mudo kooban socday oo dhexmaray labada dhinac.
War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay howlgalka kula wareegeen saldhigii kooxda Al-shabaab ku lahayeen deegaanka Coosweyne ee gobolka Galgaduud.
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkan uu ahaa mid qorshaysan oo lagu beegsaday goobo sahan iyo xuuraansi ay ku sameeyeen ciidamada ka hor inta aysan duulaanka ku qaadin Saldhigga kooxda ee deegaanka Coosweyne.
Si kastaba ha ahaatee warka kasoo baxay dowladda Fedaraalka laguma sheegin inta uu dhan yahay khasaaraha rasmiga ah ee kooxda lagu gaarsiiyay iyo tirada looga dilay.
Ugu dambeyntii howlgalkaan ayaa qeyb ka ah holwgalada ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka wadaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Mudug ee maamulka Galmudug.