Ramla Cali oo sheegtay in Dowladda Mareykanka u Diiday Dal-ku-galka

Sabti, December 6, 2025 (HOL) - Feeryahannada caanka ah ee Soomaaliyeed Ramla Cali ayaa muuqaal ay ku baahisay barta TikTok ku shaacisay in Dowladda Mareykanka ay u diiday dal-ku-gal ay kaga qayb-geli lahayd barnaamij si toos ah looga daawan doono Netflix, kaasoo ay kasoo qayb-galayaan dad magacyo waaweyn oo dunida feerka ka tirsan.

Ciyaarta, oo lagu wado inay ka dhacdo goleyaasha ciyaaraha ee Kaseya Arena ee magaalada Miami, ayaa noqonaysa mid si weyn loo hadal hayo, waxaana ugu kulul dagaalka dhex mari doona feeryahanka caanka ah ee laba jeer ku guuleystay billadda feerka culus Anthony Joshua iyo feeryahan Jake Paul.

Tartanka ayaa dhici doona 19ka December, waxaana uu ka koobnaan doonaa siddeed wareeg, mid kasta oo socon doona saddex daqiiqo, iyadoo gebi ahaantiisna si toos ah looga daawan doono Netflix.

Ramla Cali, oo muuqaalkeeda ku sharaxaysay sababta ay uga maqnaan karto dhacdadaas heerka caalami ah, ayaa sheegtay in booqashadeedii dhawaan ee Soomaaliya ay sabab u noqotay in laga hor istaago gelitaanka Mareykanka, maadaama ay wali sugeyso baasaboorka diblomaasiyadeed ee ay dowladda Soomaaliya u ballanqaadday.

Waxay sheegtay in ay la kulantay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Soomaaliya, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, iyo xubno kale, kuwaas oo ay sheegtay inay ballanqaadeen in loo soo saari doono baasaboorka diblomaasiyadeed si ay uga qeyb gasho tartanka ka dhacaya Maraykanka.

“Markii aan imid Soomaaliya ayaan u sheegay Wasiiryaasha, ballan ay iga qaadeen in ay i siiyaan Baasaboorka diblumaasiga si ay iigu fududaato inaan Ameerika galo,” ayay tiri Ramla oo hadalkeeda ku muujisay niyad-jab iyo welwel la xiriira ka maqnaanshaha dhacdo muhiim ah oo xirfadeeda sare u qaadi lahayd.

Ramla Cali ayaa dowladda Soomaaliya ka codsatay in ay fuliso ballanqaadkeeda isla markaana ay degdeg ugu soo saarto dukumentigaas si ay uga qayb-gasho tartanka oo ay ku tilmaantay mid muhiim u ah mustaqbalkeeda ciyaareed iyo magaca Soomaaliya ee fagaaraha caalamiga ah.