Bangiga Horumarinta Afrika oo ansixiyay dayn cafin dheeri ah oo loo sameynayo Soomaaliya

Khamiis, December 4, 2025 (HOL) - Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) ayaa ansixiyay deyn-dhimis dheeri ah oo loo sameynayo Soomaaliya, taasoo jidka u xaareysa in gebi ahaanba laga cafiyo dhammaan deymaha  Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF) inta u dhexeysa 2024–2039.

Tallaabadan, ayaa timid kaddib markii Dowladda Soomaaliya ay si guul leh u dhamaystirtay geeddi-socodka barnaamijka dayn cafinta ee lagu maamulo waddamada saboolka ah ee loo yaqaano (HIPC).

Bangiga Horumarimta Afrika ayaa sheegay talaabadan inay hoos u dhigi doonto deymaha dibadda ee Soomaaliya $17.68 milyan, taas oo fursad u abuuraysa in loo fasaxo dhaqaale muhiim u ah mudnaanta horumarinta.

Ansixintan waxay ku timid iyadoo la sheegay in Soomaaliya ay horumar xooggan ka sameysay dib-u-habaynta dhaqaalaha, maareynta maaliyadda guud, kordhinta dakhliga gudaha, iyo wanaajinta maamul wanaagga.

HIPC oo la bilaabay 1996 ayey bangiga adduunka hirgelisay, waxaana ujeeddadiisu tahay in lagu yareeyo deymaha aan la maareyn karin ee waddamada ka qeybgalaya, kuwaas oo buuxiya shuruudo adag isla markaana ka shaqeeya siyaasadaha yareynta saboolnimada, si ay diiradda u saaraan koboca dhaqaalaha iyo dhimista saboolnimada.

“Soomaaliya waxay ku kasbatay talaabadan dadaal,” ayuu yiri Bubacarr Sankareh, Lataliyaha Howlaha ee Bangiga ee Soomaaliya. Wuxuu sheegay in cafiska deyntan ay albaabada u furayso rajooyin ifaya oo ay helaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ah.

Soomaaliya waxay gaartay marxaladda dhammaystirka HIPC bishii December 2023, taasoo u suurtagelisay in  AfDB, IMF iyo IDA ay bixiyaan cafiska buuxa ee deynaha, taas oo hoos u dhigaysa deynta dibadda ee Soomaaliya oo ahayd $5.2 bilyan sanadkii 2018.