Wasiirka Caafimaadka oo goordhaw booqasho deg deg ah ku tagay Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka Banaadir

 

Jimco, November 7, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Xaaji Aadan oo booqasho deg deg ah ku tagay Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay natiijada hordhaca ah ee kasoo baxday baarista kiiska Hooyada ku hor foolatay afaafka hore ee Isbitaalka Banaadir.

Wasiir Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in kiiskaan uu ahaa mid dhacay 26-kii bishii lasoo dhaafay ee Oktoobar, islamarkaana uusan aheyn mid la xariira dhaqaalo lagu xujeeyay hooyada Foolaneysay.

newsinside"Shaqaalaha iyo maamulka waxay inoo sheegeen in Hooyada Uurka leh canugeedu uu yahay billo dhiman loona diray isbitaal kale (Referal) laakiin taas nagama dejineyso masuuliyada naga saaran badqabka hooyada Soomaaliyeed marmarsiiyana uma noqoneyso falka dhacay” ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Cali Xaaji Xasan.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Wasiirka in  dhacdadan aysan aheyn mid marnaba la aqbali karo, maadaama adeegyada caafimaad ee deg dega ahi yihiin xuquuq asaasi ah, wuxuuna balanqaaday in marka baaritaanka si dhab ah losoo gabogabeeyo talaabooyin maamul iyo sharciba la qaaadi doono.

“Wasaaradda Caafimaadka waxay mar labaad u xaqiijinaysaa bulshada Soomaaliyeed in ilaalinta badbaadada hooyada iyo dhallaanka ay mudnaanta koowaad tahay, islamarkaana aysan jiri doonin cid laga aqbalayo dayacaad halis galinaysa nolosha shacabka Soomaaliyeed ” ayuu yiri Wasiir Cali Xaaji Xasan.

Booqashada deg dega ah ee Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya uu goordhaw ku tagay Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka Banaadir ayaa imaaneysa, kadib markii muuqaalka hooyada ku hor foolatay Afaafka hore ee Isbitaalka Banaadir uu saacadahii lasoo dhaafay si weyn u qabsaday baraha bulshada, islamarkaana si dareen leh ay uga falcelinayeen guud ahaan dadka Soomaaliyeed.