Talaado, November 4, 2025 (HOL) - Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa maanta albaabada isugu soo dhuftay goob haweenka qaada Uurka sharci darada ah ilmaha loogu soo xaaqo oo ku taalay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan oo warbaahinta shir jaraa'id u qabtay ayaa sheegay in ciidamadu ku guuleysteen iney gacanta ku dhigeen goobtan iyo ninka maamulayay iyo waliba haweenka shaqaalaha ka ahaa.
"Gurigaan waxuu ahaa guri haweenka caruurta looga soo rido, kuwa qaada uurka sharci darada ah iyo kuwa khudba sirada lagu guursado ee aan dooneyn in uur qadaam, waxaa laga qaadi jiray lacag 400 oo doolar maanta waxaan gacanta ku dhignay Ninka maamulayay iyo Gabdhaha ka shaqeynayay goobtaan" ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan.
newsinsideAfhayeenka ayaa sheegay in arinta gurigaan ka socotay iney ku noqotay mid fajac iyo layaab badan, isagoona xusay in goobtan ay aheyd mid si aan gambasho laheyn u shaqeyneysay.
"Maxkamad ayaa lasoo taagi doona ninka xaruntan maamulayay iyo gabdhaha ka shaqeynayay, waxaa la yaab leh in boorarka ay ku qorteen waxaan idinka caawineyna inaan idinka soo ridno uurka sida qaldan loo qaaday oo waxa kaga sii daran in Facebook ku qorteen Page ay ku xayaysiinayaan shaqada ah in uurka ilamaha lagu soo rido goobtan" ayuu yiri Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Cabdifataax Aadan.
Howlgalkaan ciidamadu kusoo qabteen ninka maamulaayay goobtan iyo gabdhaha ka shaqeynaayay waxaa qeyb ka ahaa gudiga Mihnadliyaasha Caafimaadka Qaranka.
"Shaqada guddigan waa inaan hubino badka caafimaadka qofka, howsha gurigan ka socotay waxay aheyd mid sharci daro ah oo baal marsan Caafimaadka, waana shaqadeena inaan wax ka qabano xarumahan oo kale, tan kale waxaan aragnay qof Hilib iibinayay oo furtay goob Caafimaad goobtiisana ay ku geeriyoodeen Muwaadiniinta Soomaaliyeed marka la waydiyayna waxaa uu yiri aniga waxaan shaqo kuma lihi" ayuu yiri Xoghayaha guud ee gudiga Mihnadliyaasha Caafimaadka Qaranka Dr Cadow.
Ugu dambeyntii dhacdan maanta ciidanka Booliiska Soomaaliya albaabada isugu soo dhufteen goobtan haweenka uurka looga soo rido ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadka ku nool degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho oo walaac xoogan ka muujinaayay mudooyinkii dambe xaruntaan.