Kooxda Al-Shabaab oo ka jawaabtay hadallada Trump ee lagu beegsanayo Jaaliyadda Soomaaliyeed

Axad, November 30, 2025 (HOL) - Kooxda Al-Shabaab ayaa soo saartay bayaan ay si adag ugu beenineyso hadallo ka soo baxay madaxweyne Donald Trump, kuwaas oo lagu sheegay in Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ay dhaqaale u diraan kooxaha argigixisada ah.

Bayaankan ayay Al-Shabaab ku sheegtay in eedeymaha ka imaanaya Maraykan ay yihiin kuwo lagu dhaawacayo sumcadda jaaliyadda Soomaaliyeed ee mareykanka. Kooxda Alshabaab waxay ku tilmaamtay hadalladaasi kuwo naceyb hurinaya oo sii fogeynaya xiisadaha ka jira gudaha Mareykanka.

Al-Shabaab waxay intaas ku dartay in jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota ay muddo badan la kulmayeen culeysyo siyaasadeed iyo hadallo naceyb wata, iyagoo eedda dusha u saaraya madaxweyne Trump iyo shaqsiyaad kale oo ka tirsan maamulka. Waxay sheegtay in dowladda Mareykanka ay sanado badan dhibaatooyin u geysanaysay shacabka Soomaaliyeed,” islamarkaana eedeymahan cusub ay qeyb ka yihiin cadaawaddaas la sheegay.

Alshabaab ayaa sheegtay inaysan aqbaleyn in magaceeda loo adeegsado marmarsiiyo lagu beegsado ama lagu takooro Soomaalida ku nool gudaha Mareykanka ama kuwa ku nool dalalka kale ee dibadda.

“ Shabaab waxay difaaceeda diinta iyo dalka sii wadi doontaa, laakiin kama oggolaan doonto in magaceeda loo isticmaalo sidii cudur-daar lagu dhibaataynayo shacabka Soomaaliyeed ee qurbo-joogta ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Warka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa yimid kadib markii madaxweyne Trump iyo xubno ka tirsan maamulka ay ku celceliyeen sheegashooyin ku saabsan in qaar ka mid ah Soomaalida Minnesota ay maalgelin u diraan kooxaha xagjirka ah ee dibadda ka dagaallama, taasoo ay hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaaliyeed si cad u beeniyeen.