Ragg ku eedeysan dilkii Hooyada 80 jirka aheyd ee ka dhacay deegaanka Guudoole oo gacanta lagu dhigay


Isniin, November 3, 2025 (HOL) - Ciidamada amaanka maamulka Galmudug ayaa goordhaw gacanta kusoo dhigay lix nin oo ku eedeysan iney ka dambeeyeen weerarkii habeen hore ka djacay deegaanka Guudoole ee lagu dilay Hooyo 80 jir aheyd, islamarkaana lagu dhaawacay wiilkeeda.

Eedeysanayaasha ayaa ciidamadu gacanta ku dhigeen, iyagoo dhaawac ah oo gaadiid saaran, islamarkaana kusii jeeday magaalada Muqdisho, waxaana dhaawacyada ay kasoo gaareen dagaal mudo kooban dhexmaray iyaga iyo maleeshiyaad kale oo ku heyb ahaa hooyada la dilay.

newsinsideRaggan ku eedeysan dilka Hooyada waayeelka aheyd ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdikafi Maxamed Axmed, Cabdulaahi Xasan Daahir, Maxamed Cabdi Cabdule, Suudi Daahir kaahiyo, Qaasin Axmad Jimcaale iyo Maxamed Cabdi Xeedar.

Taliyaha qaybta guud ee ciidanka Booliiska Galmudug Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin ayaa warnaahinta u xaqiijiyay in ragan lagu soo qabtay howlgal ay xogtiisa fududeeyeen dad shacab ah.

Taliye Khaliif ayaa sidoo kale sheegay in ragaan eedeysanayaasha ah si deg deg ah loo horkeeni doono maxkamadda, si cadaalada loo marsiiyo.

Soo qabashada ragaan ayaa imaaneysa 48 saacadood kadib weerarkii ka dhacay deegaanka Guudoole ee lagu dilay hooyada 80 jirka aheyd laguna dhaawacay wiilkeeda ee la xariiray aargoosiga aanooyinka qabiilka ah , waxaana weerarkaasi si weyn uga xumaaday guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.