Somaliland iyo Maraykanka oo ka wadahadlay iskaashiga amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas

 

Arbaco, November 26, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidammada Maraykanka ee AFRICOM, General Dagvin Anderson, Safiir ku-xigeenka Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, Ambassador Justin Davis, iyo wefti ballaadhan oo ay hoggaaminayeen ayaa booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland.

Kulanka oo lagu sheegay mid miisaan istiraatiji ah lahaa ayaa lagu lafaguray xoojinta iskaashiga amniga, ilaalinta xasilloonida gobolka, iyo dardargelinta danaha wadajirka ah ee Somaliland iyo Maraykanka ku leeyihiin Geeska Afrika iyo Badda Cas, sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

newsinsideMadaxweynaha ayaa weftiga uga warbixiyey kaalinta  Somaliland ay ka qaadato nabadgelyada, la-dagaalanka argagixisada, ilaalinta xuduudaha, iyo amniga marin-biyoodka Gacanka Cadmeed oo ah mid saameyn weyn ku leh ganacsiga caalamiga ah.

Taliyaha AFRICOM, General Anderson, ayaa muujiyey in Somaliland tahay goob istiraatiji ah oo muhiim u ah amniga Badda Cas iyo gobolka Geeska Afrika. Waxa uu tilmaamay in iskaashi dhow oo labada dhinac yeeshaan uu gacan ka geysan karo xasilloonida iyo ka hortagga khataraha sii kordhaya ee gobolka.

Sida oo kale, Safiir ku-xigeenka Maraykanka ee Soomaaliya, Justin Davis, ayaa bogaadiyey doorka Somaliland ee ilaalinta nabadda gobolka, amniga badda, iyo dhismaha hay’ado amni oo nidaamsan. Davis ayaa cadeeyey in Dowladda Maraykanku ay diyaar u tahay in ay sii xoojiso wada-shaqaynta amniga iyo horumarinta hay’adaha difaaca.

Madaxweyne Cirro ayaa dhankiisa ku nuuxnuuxsaday in Somaliland ay u heelan tahay iskaashi dhammaystiran oo ay la yeelato Maraykanka, isaga oo xusay in danaha istiraatijiyadeed ee Maraykanka ka leeyahay Bariga Afrika ay si toos ah ugu jiraan aqoonsiga Somaliland. 

Madaxweyne Cirro waxa uu carrabka ku adkeeyay in Somaliland tahay saaxiib la isku hallayn karo oo leh nidaam dimuqraadiyadeed oo shaqeeya, ciidamo sugay nabadgelyada muddo soddon sano ka badan, iyo goob muhiim u ah istiraatijiyadda amniga ee Maraykanka.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday is-afgarad buuxa oo ku saabsan in labada dhinac ay xoojiyaan iskaashiga amniga, kor u qaadaan hawlgallada istiraatijiga ah, isla markaana ka wada shaqeeyaan ilaalinta Badda Cas iyo amniga guud ee Geeska Afrika, sida lagu sheegay qoraalka madaxtooyada.

Weftiga Maraykanka ayaa kulanka ka dib kormeer ku tegay Madaarka Berbera, Dekedda Caalamiga ah ee Berbera, iyo qeybo kale oo ka tirsan magaalada Berbera si ay u indha-indheeyaan goobaha istiraatijiga ah ee Somaliland.