Puntland oo bandow kusoo rogtay degaanada ku dhow togga Baallade

 

Isniin, November 24, 2025 (HOL) - Puntland ayaa bandow kusoo rogtay degaannada ku dhow togga Baallade, iyadoo gaadiidka loo fasaxay oo keliya inay saacado kooban u socdaan deegaanka Tasjiic iyo nawaaxigiisa, si looga hortago in sahay qarsoodi ah loo gaarsiiyo kooxda Daacish.

Go’aankan ayaa dhacay kaddib markii qaar ka mid ah bulshada deegaanka ay diideen amarka lagu farayay inay ka guuraan goobaha ay ku nool yihiin, arrintaas oo keentay in ciidanku xiraan dad rayid ah oo lagu eedeeyay inay ka horyimideen amarka dowladda ee ahaa in laga guuro Tasjiic.

newsinsideCiidamada amniga ayaa lagu amray inay gabi ahaanba joojiyaan isku socodka dadka iyo gaadiidka xilliyada habeenkii, maaddaama hay’adaha amnigu sheegeen in waqtigaas ay dhacaan inta badan isku dayada lagu gaarsiiyo sahayda Daacish. 

Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa soo qabtay dhowr gaari oo looga shakiyay inay wadeen raashin iyo agab loogu talagalay kooxda Daacish.

Saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa sheegay in cadaadiska howlgalka kaddib ay Daacish bilaabeen inay beegsadaan dadka reer guuraaga ah, iyagoo xoog uga qaadanaya xoolo iyo sahay kale.

Puntland ayaa ku wacad furtay in maxkamad ciidan lasoo taagi doono cid kasta oo lagu qabto, laguna helo, inay sahay ama taageero gaarsiisay kooxda Daacish.