Puntland oo Garowe geysay 300 Askari Booliis ah si ay ula wareegaan Amniga Caasimadda

 

Axad, November 2, 2025 (HOL) - Puntland ayaa maanta magaalada Garowe geysay in ka badan 300 askari oo booliis ah, kuwaas oo loogu talagalay inay la wareegaan sugidda amniga caasimadda Puntland, xilli ay sanadihii u dambeeyay ay Garowe kusoo badanayeen falalka lidka ku ah amniga shacabka.

Ciidamadan oo muddo ku dhow hal sano lagu tababarayay Kulliyadda Ciidanka ee degmada Carmo ayaa  ahaa dhalinyaro ka baxday jaamacadaha iyo dugsiyada sare, kuwaas oo lagu soo xulay tartan furan.

newsinsideWaxaa lagu wadaa inay ka howl-galaan saldhigyada booliiska ee Garowe, iyagoo beddelaya ciidamadii hore ee halkaas ka shaqayn jiray. Waxaa la filayaa inay si rasmi ah shaqadooda u bilaabaan maalmaha soo socda.

Puntland ayaa ciidamadan ku qalabeysay gaadiid cusub iyo hubka fudud, iyadoo sidoo kale dib u dhis iyo dayactir ku samaysay xarumaha ay ciidamadaan ku shaqeyn doonaan.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, ayaa sheegay in dhismaha ciidamadan uu ka dhashay baahi loo qabo inay magaalooyinka Putland ay yeeshaan Booliis aqoon iyo anshax leh. Wuxuu xusay in la ogaaday qayb ka mid ah dhibaatooyinka amni darrada in ay sabab u ahaayeen askarka oo ay ku jiraan kuwa ku lug leh qamriga.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay Puntland ka taageerto bixinta mushaaraadka iyo qarashaadka kale ee ku baxaya ciidamadan cusub ee booliiska.