Axad, November 16, 2025 (HOL) - Ciidamada Daraawiishta maamulka Galmudug ayaa xalay howlgal qorsheysana ka fuliyay deegaanka Ceel lahelay ee dhaca bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen koox ka tirsan Al-shabaab.
Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah loogu beegsaday fariisimo kooxdu ku laheyd tuulooyin hoostaga deegaanka Ceel lahelay, waxaana hoggaaminayay saraakiil ka tirsan Ururka Galayr.
newsinsideSaraakiisha Ururka Galeyr ee howlgalka hoggaaminayay oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan todoba ka mid kooxda Al-shabaab lagu dilay howlgalka ka dhacay tuulooyinka hoostaga Ceel lahelay.
Waxaa sidoo kale Saraakiishu tilmaameen in howlagalada ay wali socdaan, islamarkaana ay ku raad joogaan firxadka xubnaha kale ee kooxda iyo tuulooyinka kale oo ay gabaadka ka dhiganayaan.
Howlgaladaan ayaa imaanaya, iyadoo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka wadaan deegaanada ay kooxdu kaga sugan yihiin gobolka Galgaduud.