Jimco, November 14, 2025 (HOL) - Galmudug ayaa beenisay eedeymo kasoo baxay Puntland oo ku saabsan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo ku tababarto koonfurta magaalada Gaalkacyo si loogu adeegsado qalqal galinta amniga Puntland.
Masuuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa sheegay in hadalladaasi aanay sal iyo raad toona lahayn, ayna wax u dhimayaan xiriirka iyo kalsoonida maamulada deriska ah.
newsinsideWaxay Puntland ugu baaqeen inay soo bandhigto caddeymo ku saaabsan in ciidamo ka soo jeeda Puntland lagu tababarayo Koonfurta Gaalkacyo. Sidoo kale, waxay sheegeen in eedeyntani ay tahay gef ka dhan ah maamulkooda, kuna baaqay in laga bixiyo raali-gelin.
“Haddii ay wax tabasho ahi jirto, waxaan rabnaa guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland inuu caddeymo keeno. Waan diyaar u nahay inaan kaxayno, si uu noo soo tuso xeryooyinka lagu tababaro ciidanka lagu burburinayo Puntland.” ayuu yiri Xildhibaan Bashiir Sheikh Axmed oo katirsan baarlamaanka Galmudug.
Guddoomiyaha gobolka Mudug, Faysal Sheikh Cali (Jifojabsade), ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Galmudug loo maro qorshayaal wax u dhimaya xasilloonida Puntland. Wuxuu ku adkeystay in ay jiraan xeryo ciidan oo ku yaalla Koonfurta magaalada Gaalkacyo oo lagu diyaarinayo maleeshiyaad loo adeegsanayo amniga Puntland.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, uu dhowaan sheegay in Dowladda Federaalka ay ciidamo ku tababarto deegaano ka baxsan Puntland, balse ay yihiin ciidan qaran oo aan wax xiriir ah la lahayn dano gaar ah oo Puntland ka dhan ah.