Soomaaliya oo Dabaaldeg Weyn u Samaysay Guul Culus oo ku Saabsan Badbaadada Cuntada – HALICS oo si Rasmi ah loo Daahfuray
Jimco, May 9, 2025 (HOL) - Waxaa shalay si rasmi ah magaalada Muqdisho loogu daahfuray Hay’adda HALICS (Horn of Africa Livestock Improvement and Conformity Services), taasoo noqotay hay’addii ugu horreysay ee Soomaaliyeed oo maxalli ah isla markaana si madax-bannaan u bixisa shahaado caalami ah oo la aqoonsan yahay ee ISO 22000:2018 (Nidaamka Maareynta Badbaadada Cuntada) oo la siiyey shirkad hilib Soomaaliyeed ah.
Xafladda daahfurka oo si heer sare ah loo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, ganacsato dhoofiya hilibka, madax ka socotay warshadaha cuntada, iyo wakiillo caalami ah. Munaasabaddan ayaa astaan u noqotay isbeddel weyn oo Soomaaliya ka samaynayso dhinaca madaxbannaanida tayeynta cuntada, shahaadooyinka Xalaalnimada, iyo u hoggaansanaanta heerarka ganacsiga caalamiga ah.
“Arrintan ma aha oo kaliya furitaan xafiis, waa fariin cad oo aan u dirayno caalamka: Soomaaliya diyaar ayay u tahay inay la jaanqaaddo oo ay dhaafto heerarka caalamiga ah anagoo adeegsanayna khuburo Soomaaliyeed oo si dhab ah ugu heelan keenista nidaam heer sare ah ” ayuu yiri Ali Warsama, Agaasimaha Guud ee HALICS.
HALICS oo la aasaasay sanadkii 2021, ayaa si xawli ah u ballaarisay howlaha ay qabato, iyada oo xarumo ka furtay dalalka Kenya, Uganda iyo Tanzania, Hay’addu waxay xooga saartaa bixinta shahaadooyin caalami ah sida ISO:22000, iyo shahaadooyin Halal ah oo waafaqsan heerarka GSO (UAE), GSO-GCC iyo OIC/SMIIC. Waxaa sidoo kale bartilmaameed u ah horumarinta awoodda warshadaha cuntada ee kala duwan sida hilibka, caanaha, kalluunka, iyo khudaarta siday u heli lahayeen sharciayyad ay wax ku dhoofin karaan loona siin lahaa tababaro joogto ah.
Sanadihii hore, ganacsatada Soomaaliyeed waxay ku tiirsanaayeen hay’ado shisheeye si ay u helaan shahaadooyin, taasoo keentay dib u dhacyo, kharash badan, iyo faham la’aan ku saabsan xaaladaha maxalliga ah. HALICS waxay buuxisay booskaas iyadoo bixisa adeegyo lagu kalsoonaan karo, hufan, kuna saleysan baahiyaha gobolka bariga Africa, taasoo si buuxda ula jaanqaadaysa heerarka caalamiga ah.
Shahaadada ISO 22000 ee ay dhowaan bixisay HALICS ayaa noqotay tii ugu horreysay ee dalka laga bixiyo oo ay bixiso shirkad Soomaaliyeed, taasoo noqotaysa arrin xasuus mudan oo qaran, isla markaana farriin adag u dirtay suuqyada caalamka in warshadaha Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin ilaalinta badbaadada cuntada iyo xaqiijinta tayada.
Hammiga HALICS kama koobna oo kaliya dhoofinta hilibka iyo Kaluunka. Hay’addu waxay si dhab ah uga shaqaynaysaa inay hesho aqoonsiyo caalami ah oo kale sida ISO/IEC 17025 (shahaadooyinka sheybaarrada iyo kuwa kale oo badan) iyo ISO/IEC 17020 (hay’adaha kormeerka), taasoo u suurtagelinaysa inay taageerto warshado kale oo badan oo Soomaaliyeed iyo kuwa gobolka.
Mashruuca HALICS waxaa sidoo kale bogaadiyay ganacsatada gobolka iyo wadamada iskaashiga ganacsi la leh Soomaaliya, kuwaasoo u arka HALICS inay tusaale u tahay hay’ad Afrikaaneed oo si madax-bannaan u bixisa shahaadooyin tayaysan oo buuxin kara baahida suuqyada caalamka.
Mid ka mid ah tiirarka muhiimka ah ee HALICS waa tababaridda kormeerayaasha, hubiyeyaasha, iyo xirfadlayaasha tayada cuntada, gaar ahaan dhallinyarada iyo haweenka Soomaaliyeed. Barnaamijyada tababarka iyo wacyigelinta ee dhawaan la bilaabi doono waxay gacan ka geysan doonaan in la dhiso cudud shaqaale oo aqoon u leh ilaalinta heerarka caalamiga ah ee badbaadada cuntada.
Iyadoo kororka baahida suuqyada caalamka ee cuntooyinka xalaasha ah iyo nadaafadeysan uu sare u kacay, HALICS waxay noqon doontaa laf-dhabarta horumarka dhaqaale ee gobolka iyo xaqiijinta madax-bannaanida cuntada.
“Ma ahan oo kaliya inaan furnay xafiis – ee waxaan furnay albaabyo cusub oo suuqyada caalamka u furmaya ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa gobolka. HALICS waxay u tahay dadka reer Geeska Afrika, himiladeenna waa mid cad – inaan shahaadooyin bixino si daacadnimo ku jirto, inaan kor u qaadno tayada, oo aan hoggaan ka noqono kalsoonida.”Ayuu Ali Warsama hadalkiisa ku soo gebagebeeyay.