5/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 8 , 2025
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo wafdi ka socday UK kala hadlay Dardargelinta Dagaalka Kooxda Al Shabaab
 

Khamiis, May 8, 2025 (HOL) - Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Faqi ayaa  magaalada Muqdisho waxa uu kulan kula yeeshay wafdi heer sare ah oo ka socday dowladda Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay Danjire Harriet Matthews, Agaasimaha Guud ee Afrika iyo Ameerika ee Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqa Sooranka, waxaana ay kawada hadleen arrimaha amaanka iyo taageerada UK ee Soomaaliya siiso.

Wasiir Axmed Macalim Fiqi ayaa wafdigaan waxa uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa korna loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, difaaca, la dagaalanka argagixisada, iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana Dowladda UK uu ku amaanay taagerada ay la garab taagan tahay Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, waxaa labada dhinac ay dib u eegis ku sameeyeen sidii laiskaga kaashan lahaa howlgallada ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab, Waajibaadka Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), qorshaha kala guurka ah ee amniga, iyo dadaallada wadajirka ah ee arrintan la xiriira.

Intii kulanka uu socday ayaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya waxa uu si weyn ugu mahad celiyay dowladda Ingiriiska taageerada joogtada ah iyo mowqifka hagar la’aanta ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhismaha hay’adaha dowladda.

Dowladda UK meelaha ay Soomaaliya ka taageerto waxaa ugu weyn arrimaha ammaanka oo ay latalin iyo qalabeynba u sameeyso Ciidamada Qaranka qeybahoodi kala duwan.