5/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 6 , 2025
Maraykanka oo xoojinaya howlaha Milatari ee saldhigga uu ku leeyahay Balidoogle
 

Talaado, May 6, 2025 (HOL) - Koox farsamo oo ka socota guutada 152-aad ee Ciidanka Mareykanka ee ka hawlgala Geeska Afrika ayaa bilaabay xoojinta howlaha milatari ee saldhigga Baledogle iyaga oo hirgeliyay xarumo caafimaad.

Xarumahan caafimaad ayaa loogu talagalay in ay si degdeg ah ugu adeegi karaan askarta u baahan daryeel caafimaad oo degdeg ah, taasoo kor u qaadaysa adkeysiga saldhigga iyo u diyaar garowga howlgallada milatari, si ay ciidanku u sii wadaan dadaalladooda nabadgelyada gobolka.

“Waxay muhiim tahay in aan ka shaqeyno sidii aan u gudbi lahayn caqabadaha dhismaha xaruntan caafimaadka, anagoo u marayna waddooyin adag,” ayuu yiri SGT. Liam Harris oo ah hogaamiyaha kooxda farsamada ee mashruucan.

Kooxdan ayaa ka tirsan Ciidanka Kaydka Qaranka Mareykanka (National Guard), kuwaas oo gacan weyn ka geystay sidii xerada Balidoogle loo hirgelin lahaa mashruucyo lagu taageerayo ciidamada Maraykanka ee ku sugan Soomaaliya.

Dhawaan, Dowladda Maraykanka ayaa xerada Balidoogle ka daabushay qaar kamid ah ciidamadeeda halkaas ka howlgalayay. Lamana oga sababta keentay. Alshabaab ayaa marar hore weeraray xerada Balidooge, hase ahaatee kuma guulaysan  inay gudaha u galaan xerada.