5/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 5 , 2025
Gud: Guurtida Somaliland oo ku baaqday in shuruud la’aan lagu sii daayo maxaabiista SSC Khaatumo kaga xidhan Hargeysa
 

Isniin, May 5, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ku baaqay in xukuumadda Somaliland ay shuruud la’aan ku sii deyso maxaabiista SSC Khaatumo kaga xidhan Hargeysa, iyada oo aan lagu beddelan maxaabiista Somaliland kaga xidhan Laascaanood.

Waxa uu sheegay in sii deynta maxaabiista Somaliland kaga xidhan Laascaanood ayna ahayn arrin sahlan, maadaama SSC Khaatumo ay doonayso in Somaliland ay aqbasho madaxbannaanideeda, shuruudaasi oo maamulku uu xidhayo sii deyntooda.

“Waxaan jeclaan lahaa in maxaabiista aynu ku siideyno shuruud la’aan, oo aynu u dhiibno ICRC, oo iyagu sidaas ku gudbiyaan. Kuweena ha haystaan ama ha siidaayaan; reer bulshada Somaliland ka tirsan ayay dowladdu maxaabiis kala xaalaynaysaa, taasi waa khalad,” ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.

Waxa uu sheegay in ay jiraan madax-dhaqameed is xilqaamay oo ka shaqaynaya nabadaynta, sidaas darteedna iyaga loo wakiisho arrimaha nabadda iyo siidaynta maxaabiista. Laakiin in Somaliland ay si toos ah ula xaajooto SSC Khaatumo ay tahay nusqaan.

Waxa uu ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, in uu waxyeello ku hayo nabadda Somaliland iyo SSC Khaatumo, isla markaana tallaabooyinkii dhowaan dowladd uu hoggaamiyo ku aqoonsatay SSC Khaatumo ay khatar ku yihiin amniga.

Maamulka SSC Khaatumo ayaa dhowaan shuruud la’aan ku sii daayay 25 maxbuus oo ka mid ahaa boqollaal Somaliland kaga xidhan Laascaanood. Maxaabiistan ayuu maamulka sheegay in ay duruufo gaar ah qabeen.

Sidoo kale, Puntland iyo Somaliland ayaa iswaydaarsaday 26 maxbuus oo ay ku kala qabsadeen dagaalkii Laascaanood, kuwaas oo labada dhinac heshiis ka gaadheen is-dhaafsigooda.

Illaa hadda ma jiro heshiis rasmi ah oo ay Somaliland iyo SSC Khaatumo ka gaadheen colaadda u dhaxaysa, sidoo kalena lama oga goorta ay is-dhaafsan doonaan maxaabiista ay kala haystaan.