5/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 5 , 2025
Puntland: Ku dhawaan 100 xarumo caafimaad oo ay taageeri jirtay Save children oo albaabada loo laabayo
 

Isniin, May 5, 2025 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay in ay qarka u saaran tahay inay xirmaan ku dhawaad 100 xarumood oo ah kuwa ka shaqeeya caafimaad, sababo la xiriira dhaqaale xumo soo food saartay hay’adaha ka taageeri jiray mashaariicda caafimaadka.

Wasiirka Qorsheynta maamulka Puntland, Daa’uud Bisinle, ayaa sheegay in 70 ka mid ah xarumahaasi oo ay hore u maalgelin jirtay hay’adda Save the Children dhawaan albaabada la laabi doono.

Agaasimaha Hay’adda Save the Children ee Soomaaliya, Binyam Gebru ayaa sheegay inay ku qasbanaadeen inay shaqada ka joojiyaan ku dhawaad 150 ka mid ah shaqaalahooda, sababo dhaqaale awgood. Sidoo kale, waxaa uu sheegay inay xireen qaar badan oo kamid ah xafiisyadoodii, taas oo si weyn u dhintay awooddoodii bixinta adeegyada kaalmaynta kuwa nugul.

Gebru waxa uu intaas ku daray in haddii aan si degdeg ah loo helin kheyraad ku filan, ay jirto halis ah in carruur badan ay naftooda waayaan.

Dhibaatadan ayaa imaaneysa iyadoo Dowladda Mareykanka ay jaratay $170 milyan oo gargaar bini’aadantinimo ah oo loogu talagalay Soomaaliya.

Hay’adaha gargaarka ee ka howlgala gudaha Soomaaliya ayaa durba bilaabay in ay xiraan qaar kamid ah xarumahoodii muhiimka u ahaa badbaadinta nolosha dad badan, iyagoo uga digay beesha caalamka in hoos u dhaca deeqaha uu sababi karo musiibo bani’aadamnimo oo baahsan.