5/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 4 , 2025
Tirada Al-shabaab looga dilay dagaalo culus oo ka dhacay gobolka Hiiraan oo sii korortay
 

Axad, May 4, 2025 (HOL) - Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukar Maxamed ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay weerar kooxda Al-shabaab ku qaaday deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan oo ku yaala xadka ay wadagaan labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada is kaashanaya ee xoogga dalka iyo kuwa deegaanka iney weerarkaasi jab xoogan ku gaarsiiyeen maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga in weerarkaasi lagu dilay xubno badan oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Al-shabaab.

”Howlgalkaas wuxuu ahaa mid qorsheysan, cadowga Khawaarijta ayaa waxay isku dayeen inay weerar ku qaadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka, waxaana ka hortegay ciidamada xaq u dirirka deegaanka iyo kuwa xoogga dalka oo kooxdu gaarsiiyay jab aad u weyn, maanta waxaan xaqiijineynaa in meydad soddomeeyo ah loogu tegay keymaha deegaannada lagu dagaalamay  oo laga dilay Khawaarijta, horayna labaatameyo ayaa looga dilay, waxaanna marka la isku daro khasaaraha Khawaarijta shalay iyo maanta gaareeb 50 meeyo meydadka Khawaarijta ah" ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Abuukar Maxamed.

Deegaanada ay ka dhaceen dagaalada khasaaraha xoogan lagu gaarsiiyay Al-shabaab ayaa kala ah Muqliga Cali, Ceelhareeri, Hareeri Madoobe, Garas Magan iyo deegaano kale oo ku teedsan xuduuda gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Ugu dambeyntii dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay waxaa si weyn u xoogeystay dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda kuwa dadka deegaanka iskaashanaya iyo kooxda Al-shabaab.