Sabti, May 3, 2025 (HOL) - Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in waqti kooban dalka looga xureyn doonaan kooxda Al-shabaab.
Wasiir Fiqi ayaa ugu horeyn sheegay inuu u mahadcelinaayo Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha oo uu tilmaamay iney u garteen Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
“Runtii way kala duwan tahay in aad Taay ku labisatid oo aad diyaarad saaran tahay, kana qayb gashid shirar caalami ah iyo in aad tuute ku labisatid oo meel kulul tagtid oo joogtid dhufeysyada ciidamada, waxaasa balan qaadaya inaan Khawarijta mudo kooban dalka uga ciribtiri doono” ayuu yiri wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi.
Wuxuu sidoo kale xusay wasiir Fiqi in kooxdu si weyn u sii yaraneyso awoodooda, isagoona tusaale u soo qaatay dagaalkii Shalay ciidanka deegaanka kula galeen qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee jabka xoogan lagu gaarsiiyay kooxda.
“Waxaan rajeynayaa kooxaha Khawaarijta ee aadka u tabarta daran oo shalay aad arkeyseen reer Hiiraan waxa ay ku dhigeen, waxay gaareen heer ay qaadan waayeen maydadkooda, waana jilcsan yihiin nimanka, waxaan ku han waynahay in Khawaarijta muddo dhow la’is gacan saari doono, kadibna muddo kooban dalka oo dhan looga saari doono” ayuu yiri wasiir Fiqi.
Ugu dambeyntii hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kusoo aadayaa, iyadoo dowladda Fedaraalka ay wado qorshe ay ku xoojineyso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo mudooyinkii lasoo dhaafay ahaa mid aanan wanaagsanen kadib markii kooxdu gacanta ku dhigtay deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe.