5/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 3 , 2025
Dowladda Fedaraalka oo boggaadisay guulo ciidanka Macawiisleeyda ka gaareen dagaalo ka dhacay Hiiraan
 

Sabti, May 3, 2025 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u bogaadisay guulo la taaban karo oo ciidanka difaaca deegaanada ee Macawiisleeyda Hiiraan ka gaareen dagaalo qaraar oo galinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Dagaalada oo ahaa kuwa u dhaxeeyay ciidanka Macawiisleeyda Hiiraan iyo maleeshiyaadka Al-shabaab, kuwaas oo si gaar ah uga dhacay deegaanada kala ah Muqliga Cali, Ceelhareeri, Hareeri Madoobe iyo Garas Magan oo dhamaantood ka tirsan gobolka Hiiraan.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dagaalada ka dhacay Muqliga Cali, Ceelhareeri, Hareeri Madoobe iyo Garas Magan in lagu dilay ilaa 25 xubnood oo ka tirsana kooxda Al-shabaab.

"Geesiyaasha degaanka iyo Ciidanka Qalabka Sida oo la socday isku dayga nafla-caari ah ee Khawaarijta ayaa si weyn uga hortagay duullaanka cadowga, waxaana Alle mahaddiis ah in ay si buuxda u jabiyeen maleeshiyaadkii soo duulay. Geesiyaasha halkaas ka dagaalamay waxay soo ururiyeen maydadka 25 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, sidoo kale waxay nolosha ku qabteen afar maleeshiyaad ah, iyadoo saddex ka mid ah ay qabaan dhaawacyo culus" ayaa lagu yiri warsaxafadeedka kasoo baxay dowladda.

Waxaa sidoo kale Warsaxafadeedka lagu xusay in ciidanka Macawiisleeyda reer Hiiraan ay tusaale u yihiin halganka iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed ee isku howlay howlgalada dalka looga xureynayo kooxda Al-shabaab.

Ugu dambeyntii dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay iney ka go’an tahay ciribtirka kooxda Al-shabaab, iyadoo kaashaneysa saaxiibada Caalamka iyo ciidamada difaaca deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda.