Isniin, May 26, 2025 (HOL) - Hay'adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa ka jawaabtay eedeymo culus oo ka dhashay deeq daawo aheyd oo maalin ka hor SoDMA geysay degmada Moqokori.
SODMA ayaa sheegay in 24-kii bishaan ay geysay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan hal tan oo daawo ah oo isugu jirtay noocyada kala duwan ee gargaarka deg dega ah.
Hay'adda SODMA ayaa sidoo kale been abuur iyo waxba kama jiraan ku tilmaantay muuqaal saacadahii lasoo dhaafay si weyn baraha bulshada u qabsaday oo ahaa in hay'addu geysay Moqokori daawoyin dhacay iyo dharka Covid 19.
"Anagu daawooyinka aan geynay iyo kuwa muqaalka lagu soo bandhigay wax shaqo ah iskuma lahan, runtii cidii waxaas soo bandhigtay iyada ataa masuuliyadeeda qaadaneysa, anaga daawoyinka aan geynay waxay ahayeen kuwa tayo leh oo loogu tala galay xaaladaha deg dega ee dhaawacyada iyo hooyada iyo dhalaanka, taaso gaareysay hal tan" ayuu yiri masuul u hadlay SODMA.
Waxaa sidoo kale SODMA ay sheegtay in degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan iney ka jirto xaalad bani'aadanimo, islamarkaana ay qorsheyneyso sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha bani'aadanimo iyo mida nololeed ee ka jirta Moqokori.
Warsaxafadeedka SODMA ayaa kusoo aadaya, kadib muqaal fadeexad ah oo laga duubay gargaar daawo ah oo ay SODMA maalin ka hor geysay Moqokori, taasoo ay ka dhalatay hadal heyn aad u badan oo fadeexad ku noqotay SODMA.