DRC oo ka digtay xaalada gaajada ee bilaha soo socda kusoo wajahan Soomaaliya

Isniin, Maarso 17, 2025 (HOL) - Hay’adda
Danish Refugee Council (DRC) ayaa walaac xooggan ka muujisay
mustaqbalka cuntada ee Soomaaliya ka dib roobabkii Deyrta oo baaqday,
iyadoo celcelis ahaan saadaasha roobabka la filan karo bilaha April iyo
June ay yar yihiin waxay sababi doontsa in ilaa 4.4 milyan oo qof ay
noqon doonaan kuwa ay gaajadu saameyso.
DRC
ayaa sheegtay in arrimahaani ay ugu wacantahay abaaro, colaado, iyo
sare u kaca qiimaha cuntada, Arrintan ayaa ku soo beegantay wax ka yar
laba sano oo ay ka soo wareegtay abaartii ugu dheerayd ee soo marta
taariikhdaan casriga ah Soomaaliya, taas oo dalka gaarsiisay heerkii
macaluul.
Sida
laga soo xigtay warbixinta caalamiga ah, bulshooyinka maxalliga ah ee
Soomaaliya waxay la ildaran yihiin dhibaatooyin kala duwan, iyada oo ay
yar tahay calaamad muujinaysa in la qaado tallaabo degdeg ah si looga
hortago dhibaatooyin kale oo nafeed iyada oo loo marayo jawaab-celin
bini'aadanimo oo ku habboon.
Hay'adda
Danish Refugee Council ayaa sheegtay in go'aanka dowladda Mareykanka ay
ku joojisay gargaarkii dhammaan qandaraasyada gargaarka ee
Soomaaliya, oo ay ku jiraan kuwa taageera gargaarka naf-badbaadinta, ay
halis ugu jirto inay uga sii darto dhibaatada ka jirta dalka oo dhan.
Horey Hay’adda
Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) iyo Hey’adda Cunnada iyo
Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada
ay khuseyso inay si degdeg ah uga diyaar garoobaan cawaaqibka ka dhalan
kara roob yarida la filayo xilliga Guga 2025.