7/11/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 30, 2025
Qatar oo sheegtay in uu dalkeeda soo booqday Madaxweynaha Somaliland oo ah gobol kamid ah Soomaaliya
 

Isniin, Juun 30, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheikh Maxamed bin Cabdiraxmaan Al-Thani ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo maalmo ka hor booqasho ku tagay dalka Qatar.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu qaabilay Madaxweynaha Somaliland, Cirro, oo lagu sheegay in uu ka socdo gobol ka tirsan Soomaaliya, isla markaana labada dhinac ay ka wadahadleen arrimihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, ammaanka gobolka, iyo sidii loo soo celin lahaa is-aaminaadda.

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa caddeeyay in Dowladda Qatar ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku dhisan yahay fur-furnaan iyo xiriir wax ku ool ah oo dhex mara dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay, iyadoo la xaqiijinayo ixtiraamka gobannimada iyo midnimada Qaranka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

"Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu carabka ku adkeeyay in uu aaminsan yahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisi karo isku furnaan, wada-hadal, iyo midnimo, isla markaana uu ixtiraamayo madax-bannaanida Soomaaliya iyo midnimadeeda," ayaa lagu yidhi bayaanka Qatar.

Madaxtooyada Somaliland waxay sheegtay in Madaxweynaha Somaliland uu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay tahay Jamhuuriyad madax-bannaan oo 34-kii sano ee u dambeeyay iskeed isu maamuleysay, isla markaana aanay qayb ka ahayn Soomaaliya.Waxa kale oo uu sheegay in meeqaamka siyaasadeed ee Somaliland uu gabi ahaanba ka duwanyahay kan Soomaaliya.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya, waxaana lagu tiriyaa dowladaha ugu fog marka laga hadlayo in ay Somaliland la yeelato xidhiidh diblumaasiyadeed. Cirro ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland ee safar rasmi ah ku taga boqortooyadan ku taalla Jasiiradda Carabta.