Isniin, Juun 30, 2025 (HOL) - Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka badda ee Dowlad Goboleedka Puntland, Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa ayaa maanta sheegay in ay Puntland awood u weyday wax ka qabashada kalluumaysiga sharci darrada ah ee ka socda xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Puntland.
Wasiirka Kalluumaysiga oo maanta hortagay Baarlamaanka ayaa u sheegay in sanad kaste ay Puntland ku weydo dhaqaale gaaraya qiyaastii 150 milyan oo Dollar oo kaga luma jariifka ba’an ee lagu hayo kheyraadka ku jira xeebaha Puntland.
Wasiir Xagaa waxa uu sheegay in Puntland aysan haysan ciidamo ku filan amniga xeebaheeda iyo gaadiidka badda. Waxa uu si cad u sheegay inay sii dabar go’ayaan noolayaal badan oo badda ku jira oo uu sheegay in si xad dhaaf ah loo ugaarsanayo.
“Waa Aafo ummadda Soomaaliyeed haysata, waxa sababayna waa tabar darro. Baddu waxay u baahan sida berrigu ugu baahan yahay ciidamo ilaaliya xaduudaha, la socda dhaqdhaqaaqa. Waxay u baahan tahay Kastamo laga kantaroolo waxa badda ka jira,” ayuu yiri wasiirka kalluumaysiga Puntland.
Dhinaca kale, wasiirka kalluumaysiga Puntaland ayaa iska fogeeyay eedeymo ay usoo jeediyeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, kuwaas oo ku eedeeyay inay maraakiib jarriif ah badda ugu jiraan.
Wasiirku wuxuu ugu dambayn sheegay inay Puntland dhawaan hirgalisay qalab lagu ogaanayo inta Markab ee badda ku jira ee ku howlan kalluumaysi sharci darro ah.
Wuxuu sheegay inay rajeynayaan inay helaan ciidamo iyo gaadiid dagaal oo badda ah, kuwaas oo la dagaalama maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalluumaysanaysa xeebaha Puntland.