7/11/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 30, 2025
Hay'adda Socdaalka Soomaaliya oo qalab sheegaya kuwa dambiyada kasoo galay Caalamka ku rakibtay Garoonka Aadan Cade
 

Isniin, Juun 30, 2025 (HOL) - Hay'adda Socdaalka Soomaaliya ayaa hirgalisay nidaam cusub oo loo yaqaan PISCES, kaas oo ah hanaan casri ah oo wax weyn kusoo kordhinaya socdaalka dalka laguna ogaanayo hadii ay soo galaan kuwa dambiyo ka galay wadamadooda sida Kooxaha Argagexisada.

Agaasimaha guud ee Haya'dda Socdaalka iyo Jinsiyadaaha Soomaaliya, Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa sheegay in nidaamkan PISCES, oo ay isticmaalaan in ka badan labaatan dal ay Soomaaliya u sahlayso inay la jaanqaaddo nidaamyada caalamiga ee adduunka.

"Barnaamij wuxuu ka mid yahay dadaalo ay ka wadno haya'adda taas oo ugu talagalnay inaan dadka siino adeeg fiican há'yadduna la jaanqado adduunka intiisa kale"ayuu yiri Dhuxulow oo wareysi siinayay BBC da.

Dowladda Maraykanka ayaa ka gacan ka siiyey Soomaaliya hannaankan cusub ee PISCES, kaas oo ay sidoo kale tabarayaal ka socda Maraykanku ay Muqdisho ku tababareen saraakiil ka tirsan hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo ku shaqaynaya hannaankan cusub.

Qalabka nidaamkan cusub ee PISCES, ayaa lagu rakibay Muqdisho kaas oo hadda looga shaqa bilaabay garoonka Aadan Cabduule ee magaalada Muqdisho.

"Barnaamijka waa la rakibay waa la tijaabiyey, waana lagu guuleystay, wuxuu u saamaxayaa Soomaaliya inay qayb ka tahay socdaalka adduunka, dadka soo galaya iyo dadka ka baxayana in Soomaaliya heli karto xogtooda, lana aamini karo haya'addeena Socdalka lana jaanqaadi karno hay'addaha socdaalka ee adduunka inteeda kale" ayuu yiri Mustaf Dhuxulow.

Agaasime Mustaf dhuxulow, wuxuu sheegay inay wadashaqayn yeellan doonaan dowladaha ku jira hannaanka PISCES, iyo booliska caalamiga ee Interpol taas u ogolaanaysa inaysan Soomaaliya noqon meel halaq mareena.

"Waxaa si horumarsan u ogaan karaynaa cidkasta, waxaana adkaan doonto in dalka Soomaaliya ay ku dhuumaaleystaan dadka Al-qaacidada ah, ama alshabaab ah ama xagjirka ah ama dadka dambiyada adduunka ka soo galay" ayuu warkiisa sii raaciyay Agaasime Mustaf Dhuxulow.

Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya,Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo ka qayb galay kulanka lagu daahfurayey nidaanka PISCES, ayaa xusay in hannaankan uu sare u qaadayo awoodda dowladda ee la socodka dhaq-dhaqaaqa dadka, xakameynta tahriibka iyo dambiyada la xiriira, isla markaana uu kaalin mug leh ka qaadan doono sugidda amniga qaranka.