Axad, Luulyo 6, 2025 (HOL) - Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad, ayaa ku dhaliilay maamulka Hirshabelle abaabulka doorasho dadban oo uu maanta ka qabtay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe kadib markii Maamulkii hore ee Degmadaasi uu waqtigii ka dhacay.
Qoraal uu ku qoray bartiisa Facebook Cali Balcad wuxuu ku eedeeyay hogaamiyaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe inuu jabiyay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhigayay in dalka ay kawada qabsoonto doorasho toos ah, Waxa uu ku tilmaamay wixii maanta ka dhacay degmada Balcad mid xad gudub ku ah heshiisyada iyo shuruucda dalka, gaar ahaan xilli dalka uu ka socdo diyaar garow doorasho oo hal qof iyo cod ah.
Wasiiru Dowlaha ayaa xusay in uu ku boorinayo Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe in uu raaco talada ay wadaan madaxda kale ee dowlad goboleedyada oo uu diirada saaro habka doorashada Qaran ee soo socota, bedelkii la sameyn lahaa falal dhalin kara colaado beeleed iyo xasilooni darro.
"Waxaa nasiib darro wayn ah in xilli uu dalku isku diyaarinayo doorasho loo dhan yahay oo ay socoto diiwaan gelintii codbixiye yaasha, iyadoo aan maalin dhawayd arkaynay sawiradda Madaxwaynayaasha GalMudug iyo Koonfur Gabalbeed oo saf ugu jira is diiwaangelinta doorashada qof iyo cod in uu Maamulka HirShabelle ee Madaxwayne Cali Guudlaawe ku mashquulsan yahay qabashada doorasha dadban oo uu xiligeedi dhamaaday." ayuu ku yiri qoraalkiisa Wasiir Cali Balcad.
"Doorasho ku sheegta maanta lagu qabtay degmada Balcad waxay meel ka dhac ku tahay heshiisyadii ay horay u gaareen GWQ iyo Shuruucdii ay ansixiyeen goloyaasha qaran."ayuu sii raaciyay warkiisa.
Cali Balcad ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Cali Guudlaawe in sida saaxibadiisa Madaxwayne Axmed Qoor Qoor iyo Madaxwayne Cabdicadiis Laftagareen in uu isku howlo diyaar garowga doorashada uu heshiiskeeda wax ka saxiixay oo aannu ku mashquulin doorasho xiligeedii dhamaaday abuuraysana qilaaf iyo iska hor imaad beelaha nabada ku wadanool.