Axad, Luulyo 6, 2025 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska ee degmada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa soo saaray amar la xariira in ganacsatada magaaladaasi ku xiraan goobahooda ganacsi Kaamira CCTV.
Taliyaha Booliiska ciidanka Booliiska ee magaalada Dhuusamareeb Dhame Nuur Cilmi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in amarkaan uu yahay mid lagu xaqiinijaayo amniga guud ee Caasimadda ah ee Galmudug.
Taliyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka ku nool Dhuusamareeb iney si dhow ula shaqeeyaan ciidamada amaanka si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida guud ee magaalada Dhuusamareeb.
"Ganacsatada waa inay goobahooda ganacsiga ku xiraan “Caamiro CCTV”, si loo sugo amniga Magaalada Dhuusamareeb, taasi waxay fududeyn doona in amniga Caasimadda si wanaagsan loo xaqiijiyo, ganacsatada waxaan ugu baaqaya iney fulin doonaan amarkaan lagu sugayo amniga" ayuu yiri Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb Nuur Cilmi.
Waxaa sidoo kale digniin u diray Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb askarta hubka ku dhex haysta gudaha magaalada Magaalada, wuxuuna sheegay in arrintaasi aan la aqbali doonin, islamarkaana ay talaabo ka qaadi doonaan askarigii ay ku arkaan isagoo hub ku dhex wata gudaha magaaladaas.
Ugu dambeyntii amarkaan kasoo baxay Taliska Booliiska Dhuusamareeb ayaa kuso aadaya, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay magaalada Dhuusamareeb ku soo kordhayeen falalka la xariira amni darada.