Axad, Luulyo 6, 2025 (HOL) - Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa amray in dalalka ciidamada usoo dira Soomaaliya, oo loo yaqaan Troop-Contributing Countries (TCCs), ay qaataan mas’uuliyad dheeri ah si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo taageerada amniga Soomaaliya.
Go’aankan ayaa yimid kadib shir heer wasiir ah oo laba maalmood kahor lagu qabtay hab fogaan arag ah, halkaas oo warbixin rasmi ah lagaga dhageystay xaaladda amni ee Soomaaliya iyo horumarka howlgalka Midowga Afrika ee taageerada xasilinta Soomaaliya (African Union Stabilisation Support Mission in Somalia-AUSSOM).
“Goluhu wuxuu bogaadinayaa dalalka ciidamada dheeraadka ah si gaar ah ugu soo diray Soomaaliya si ay uga jawaabaan xaaladda amni ee taagan, wuxuuna ku boorrinayaa kuwa aan weli tallaabadaas qaadin inay sida ugu dhaqsiyaha badan u sameeyaan.”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Shirkaasi.
Sidoo kale, Golaha ayaa faray Guddiga Fulinta ee Midowga Afrika inuu muddo lix toddobaad gudahood ah kusoo gudbiyo qiimeyn cusub oo ku saabsan baahiyaha hawlgalka, gaar ahaan dhinacyada taageerada saadka iyo diyaaradaha si macluumaadkaas loogu gudbiyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Tani waxay qeyb ka tahay dadaallada lagu doonayo in lagu sii helo taageerada saadka ee ay bixiso Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).
Dhanka kale, Golaha ayaa sidoo kale ka codsaday Guddiga Midowga Afrika, iyagoo la kaashanaya Qaramada Midoobay, inay dhammeystiraan qorshayaasha ku saabsan soo gelitaanka ciidamada Masar iyo dib u celinta ciidanka Burundi.
Wararkan cusub ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay wajahaysa marxalad muhiim ah oo dhinaca amniga ah, iyadoo ay socdaan howlgallo ballaaran oo lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada.