7/11/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 5 , 2025
Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka socda gobolka Hiiraan ku dhawaad 12 saacadood
 

Sabti, Luulyo 5, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saacado badan qaatay oo wali ka socda deegaano u dhaxeeya degmooyinka Moqokori iyo Aadan Yabaal oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo u dhaxeya ciidanka Macawiisleeyda oo garab ka helaya kuwa dowladda oo dhinac ah iyo Al-shabaab. 

Dagaalka ayaa lasoo warinaya inuu haatan ka socdo tuulooyin ku dhadhaw deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan oo dhaca xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dagaalkaan oo soo bilaawday waabarigii hore ee saakay ayaa ah mid marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaayay, maadama labada dhinacba ay kala gaarayeen gurnadyo ciidan oo xoog leh.

Ciidamada iskaashanaya ayay u suurta gashay in dagaalka saakay soo bilaawday kula wareegaan deegaano dhowr ah oo ay ka mid yihiin Gumare, Xagare iyo Ceel qooxle oo ah dhamaantood deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda oo la hadlay HOL ayaa inoo sheegay in dagaalka maanta khasaare xoogan ku gaarsiiyeen kooxda Al-shabaab ee maalmahii lasoo dhaafay dhaqdhaqayada ka waday deegaanadaan hoostaga Moqokori.

"Meydadka Khawaarijta waa daadsan yihiin dagaalka saakay kusoo bilaawnay wali waan wadna oo hada xabadu waxay kasii dhaceysa dhaga kore ee Ceel qooxle, dhimashadooda 30 kor ayay u dhaaftay anaga dhankeena 5 dhimasho ah ayaa jirta, dagaalkana wuu sii soconaya ilaa aan ka tagno Aadan Yabaal" ayuu yiri sarkaal lagu magacaabo Axmed Jimcaale oo ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda. 

Si kastaba ha ahaate dagaalkaan maanta ka dhacay deegaanada ka tirsan Hiiraan ayaa noqonaya dagaalkii ugu xoogana ee waayahaan dambe ka dhaca deegaanada gobolka Hiiraan.