7/11/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 4 , 2025
Puntland oo Beenisay in Dowladda Federaalka ay gacanta ku hayso dhaqaalaha waddada Xarfo–Gaalkacyo
 

Jimco, Luulyo 4, 2025 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u beeniyay wararka sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gacanta ku hayso dhaqaalaha loogu talagalay dhismaha waddada isku xirta degmada Xarfo iyo magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in aysan jirin wax sabab ah oo lagu eedeyn karo Puntland in ay hor istaagtay hirgelinta mashruucan.

Waxa uu hoosta ka xarriiqay in dhaqaalaha loogu talagalay mashruuca uusan wali kasoo bixin gacanta Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), kaas oo lagu wado inuu ku maalgeliyo mashruucan lacag dhan 18 milyan oo dollar ah.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in Wasaaradda Howlaha Guud ee Dowladda Federaalka ay si rasmi ah ugu wargelisay Puntland in Bangiga Horumarinta Afrika uusan weli fasixin dhaqaalaha mashruuca.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Arbacadii shalay si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha waddada Xarfo-Gaalkacyo, isagoo xusay in tallaabadan ay ka jawaabeyso codsi muddo dheer ka imanayey shacabka gobolka Mudug, kuwaas oo dalbanayey in la horumariyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee gobolka.

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in mashruucan ay si buuxda u maalgelinayaan, iyadoo aanay jirin wax taageero ah oo toos ah oo ay ka heleen hay’adaha caalamiga ah.