Khamiis, Luulyo 3, 2025 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka dalka Masar Dr. Badr Abdel Aty, ayaa maanta oo Khamiis ah ka qeyb galay kulanka Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ee heer wasiir, kaasoo looga hadlayay arrimo ku saabsan Siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan arrimaha ammaanka.
Kulankaan Waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee geeddi-socodkii looga gudbayay howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) oo loogu wareejinayo howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), waxaana Soomaaliya uga qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha Dibadda Cali Balcad.
Wasiir Abdel Aty ayaa xaqiijiyay mowqifka adag ee Masar iyo taageerada ay ka taagan tahay amniga, xasiloonida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo ka mahad celiyay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ku bixisay soo celinta amniga iyo xasilloonida iyo xoojinta dowladnimada iyo hay’adaha dowliga ah ee dalka oo dhan.
Wuxuu ku celceliyay in Masar ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, oo ay ka mid tahay xoojinta awoodda hay’adaha qaranka Soomaaliyeed iyo in si tartiib tartiib ah mas’uuliyadda amniga loogu wareejiyo ciidamada ammaanka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa muujiyay walaaca Masar ay ka qabto caqabadaha amni ee joogtada ah ee ay maleegayaan kooxaha argagixisada ah oo ay ugu horeeyaan Kooxda Al-Shabaab, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si habsami leh oo isku xiran looga gudbo ATMIS-ka loona gudbo AUSSOM si loo ilaaliyo guulihii amni ee la gaaray, loogana hortagayo ka faa’ideysiga firaaq amni oo soo baxa.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay bixinta maalgelin joogto ah ee howlgalka AUSSOM si ay awood ugu siiso inay si buuxda u dhaqangeliso waajibaadkeeda.
Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in haddii aan la bixin dhaqaalaha ay wiiqi doonto awoodda howlgallada si ay u gutaan waajibaadkooda, isla markaana ay saameyn taban ku yeeshaan guud ahaan gobolka Geeska Afrika iyo beesha caalamka, oo ay ka mid yihiin carqaladeynta ganacsiga badda ee caalamka iyo kordhinta khatarta argagixisada.