Soomaaliya iyo Ingiriiska oo ka wada hadlay iskaashiga amaanka iyo dardargelinta dagaalka Al-shabaab

Arbaco, Luulyo 16, 2025 - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Danjire Charles Nicholas King oo ah safiirka cusub ee dalka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya.
Danjire Charles Nicholas King ayaa kulanka uu la qaatay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya waxaa ku wehlinaayay saraakiil ka tirsan safaarada Ingiriiska ee magalaada Muqdisho.
Masuuliyiinta labada dhinac ayaa Kulanka ku lafaguray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Ingiriiska, gaar ahaan iskaashiga dhanka amniga, tababarada iyo la dagaalanka kooxaha loogu yeero Argagixisada.
Wasiirka difaaca dowladda Fedaraalka ayaa sidoo kale kala hadlay Safiirka cusub ee dowladda Ingiriiska u fadhin doona Muqdisho sidii loo dardargelin lahaa howlaha la xiriira taageerada howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM.
Ugu dambeyntii Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa uga mahadceliyay dowladda Ingiriiska dadaaladeeda ku aadan xoojinta iyo garab istaaga dowladda Soomaaliya ee dhanka amaanka iyo la dagaalanka kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.