Hiiraan Online
1/8/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Jan 7 , 2025
Wasaaradda arrimaha dibadda oo digniin kasoo saartay deeqaha bini'adamnimo ee la siyaasadeeyo
Talaado, January 7, 2025 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay inay ka hortagi doonaan deeqaha bini'adamnimo ee siyaasadeeysan, waxaana uu shaaca ka qaaday in Wasaaradda arrimaha dibadda ay qaadan doonto doorkeedi la xisaabtanka Hay'addaga caalamiga ah ee deeqaha siiya Soomaaliya.
"Ma joogno sanadihii 1992 ama 2008 waa ay ka duwan tahay xaalada xilligaan, kuwa indhahaasi nagu fiirinaya inaan sanadahaas aan joogno fadlan ookiyaalaha badasha, waxaa hadda joogta Dowladda Soomaaliyeed oo soo qaangaartay shaqadeedna qabsanaysa" ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradiisa ay la wareegi doonto ay qabato Hay'ado magaca Soomaaliya gargaar kusoo qaada haddana geeya goobo aysan baahi ama dhibaata ka jirin.
Sidoo kale Wasiir Axmed Fiqi ayaa tilmaamay inuu ka digaayo deeqaha la siyaasadeenayo, waxaana uu carabka ku dhuftay in Dowladda Soomaaliya ay la socoto kuwa falalkaasi gacanta kula jira.
Hadalkaan ayuu ka sheegay Wasiir Fiqi mar uu booqanayay Hay'adda maareynta musiibooyinka ee SODMA.