Isniin, January 20, 2025 (HOL) - Khasaaraha ka dhashay qaraxa miino oo ciidamada Puntland lagula eegtay deegaanka Xableey ee gobolka Bari ayaa sii kordhaya, iyadoo haatan tirada dhimashada ay gaareyso 13 askari.
Qaraxa ayaa lala eegtay gaari nooca Cabdi Bilaha ah oo ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka Puntland, kuwaas oo qeyb ka ahaa gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda gobolka Bari.
Kooxda Daacish ayaa ka dambeysay weerarkan, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland, kuwaas oo ay la xiriirtay warbaahinta Hiiraan Online. Saraakiishu waxay sheegeen in miino lagu aasay waddada dhinaceeda, ay sababtay qaraxa.
Qaar ka mid ah askarta ku dhaawacantay ayaa u geeriyooday dhaawacyadii ay soo gaareen, taasoo kor u qaaday tirada dhimashada.
Dhaawacyada ka dhashay qaraxa ayaa la sheegay inay ka yar yihiin tirada dhimashada.
Maamulka Puntland ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo weerarkan ay askarta badan ku dhinteen.