Khamiis, January 16, 2025 (HOL) - Ciidamada La-dagaalanka Argagixisada Puntland ayaa maanta mar kale la wareegay fariisimo ay kooxda Daacish ay ku lahaayeen buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.
Fariisimaha ay ciidamada Puntland la wareegeen ayaa laga helay dukumentiyo ay kamid ahaayeen baasabooro iyo kaarar bangi oo caalami ah oo ay lahaayeen dagaalamayaasha shisheeye ee Daacish.
Mid ka mid ah saldhigyada Kooxda Daacish Buuraha Cal-miskaad ayaa laga helay Baasaboor nin Sacuudiyaan ah oo ay ka muuqato dal-ku-galka Masar iyo Itoobiya oo ah halka uu soo maray, taasoo muujinaysa in Puntland uu kaga soo galay dhinaca Itoobiya labo todobaad ka hor.
Howlgalka oo dhacay aroornimadii hore ee saakay ayaa waxa uu qeyb ka ahaa howlgallada lagu bur burinayo kooxda Daacish ee ku sugan deegaanada Puntland. Saraakiishu waxay saldhigyadaas ku tilmaameen goobo istaraatiiji ah oo loo adeegsan jiray qorsheynta weerarrada iyo isku xirka dhaqdhaqaaqyada gobolka oo dhan.
“Howlgalladani waxay dhabar jab weyn ku yihiin joogitaanka Daacish ee Puntland,” ayuu yiri afhayeenka howlgalkan oo saxaafadda wareysi siinayay.
Marka laga soo tago Baasaboorka iyo Kaararka Bangiyada, waxaa la sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen qalab isgaarsiin iyo dukumentiyo la rumeysan yahay in ay ku jiraan xog sirdoon oo la xiriirta howlgallada Daacish.
Maamulka Puntland ayaa todobaadyadii la soo dhaafay xoojiyey dadaallada ka dhanka ah Daacish, iyaga oo ujeedkoodu yahay in lagu xaqiijiyo xasilloonida gobolka Bari oo ay saameeyeen habjabaadda ay Daacish.