Arbaco, January 15, 2025 (HOL) - Ciidamada Badda Somaliland ayaa kalluumaysatada iyo dalxiisayaasha uga digay dabaylo la saadaalinayo inay dhawaan ku dhuftaan badda Gacanka Cadmeed.
Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha, Admiral Axmed Hurre Haariye, ayaa digniin u diray dadka ku dhow meelaha xeebaha ah ee laga yaabo in dabaylaha la saadaalinayo ay ku dhuftaan.
"Waxaan digniin u dirayaa dhammaan kalluumaysatada, dalxiisayaasha, iyo cid kasta oo ka agdhow xeebaha inay iska jiraan maalmaha soo socda, khataraha ka jira badda awgeed" ayuu yidhi Admiral Haariye. "Maalmahaas oo ka bilaabmaya 15/1/2025 ilaa 20/1/2025, taasi oo ay jiraan dabaylo xooggan oo ku socda xawaare dhan halkii saacba 45 km".
Waxa uu sheegay in mawjada badda ama joogga biyaha baddu ay kor u kici doonaan cabbir dhan 2.7 mitir, taasina ay khatar gelin karto cid kasta oo ka agdhow badda ama ku hawlan dabashada kalluunka iyo dalxiiska.
"Sidaasi darteed, waxaa lagu wargelinayaa shacabka Somaliland inay iska jiraan badda iyo xeebaha maalmaha soo socda khataraha ka jira awgeed," ayuu hadalkiisa ku daray Admiral Haariye.
Waxa uu ugu baaqay cid kasta oo khatar dareenta wakhtiga ay dabayluhu bilaabmaan inay la soo xidhiidhaan saldhigyada Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, kuwaas oo heegan ku jira inta ay dabayluhu socon doonaan.