1/8/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 1 , 2025
Madaxweynaha Galmudug oo si adag uga hadlay dagaal beeleedyada ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka
 

Arbaco, January 1, 2025 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor qoor ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedyada khasaaraha kala duwan geystay ee ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka.

Qoor qoor ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalada sokeeye ee maamahii lasoo dhaafay ka dhacayay qeybo ka mid ah dalka, isagoona si gaar ah uga hadlay dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan maamulkiisa.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa sheegay in hurinta colaadaha sokeeyaha ay ku lug leeyihiin kooxda Al-shabaab iyo kuwa kale oo aan waxba dhaamin Al-shabaab.

“Dagaalada qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed u dhaxeeya ee ka socda gobolada dalka waxaan aaminsanahay iney ku lug leeyihiin argagixisada iyo dad aan waxba dhaamin argagixisada” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada meel kasta oo ay ka socdaan, wuxuuna si gaar ah u xusay in dagaalada ka socda deegaanada maamulkiisa lagula xisaabtamayo cidii ka baxday waxii horey loogu heshiiyay dibna u hurisay colaada maanta taagan.

"Dagaalada socda waa in la joojiya sababato ah waa kuwa adduun iyo aakhiro seeg ah, waxan  ugu baaqaya odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka iney xalliyaan dagaallada soo noq noqday ee dhiiga badan uu ku daadanayo" ayuu yiri Madaxweyne Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweynaha Galmudug ayaa kusoo aadaya, iyadoo Khamiistii lasoo dhaafay ilaa 6 askari oo ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka qabiil ahaan loogu dilay deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, taasoo muujisay in dagaal beeleedyada ay gaareen heerkii ugu dambeeyay.