Al shabaabkii kasoo firxaday Dagaaladii ka dhacayay Gobolka Hiiraan oo gaaray Degmada Mahadaay

Isniin, February 10, 2025 (HOL) - Wararka
ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka
tirsan Al shabaab ee kasoo firxaday dagaaladii ugu dambeeyay ee ka
dhacay Gobolka Hiiraan ay gaareen degaano hoostaga Degmada Mahadaay ee
Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Illo
wareedyo dadka degaanka ah ayaa kusoo waramaya in saacadihii lasoo
dhaafay agagaarka Jiinka Webiga Shabeelle ee Mahaaday lagu arkay
dagaalamayaal badan oo kuwa Al shabaab ah oo soo buuxiyay halkaasi
kuwaasi oo u muuqday kuwa kasoo baxsaday dagaaladii ugu cuslahaa ee
dhowaanahaan ka dhacayay gobolka Hiiraan.
Ciidamada
Dowladda iyo kuwa Maamulka Hirshabelle ayaa saacadihii lasoo dhaafay
dhankoodi bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan inay uga
hortagaan is uruursiga ay Al shabaab ka bilaabeen degaanada Hoostaga
Degmada Mahaaday.
Jimcihii
lasoo dhaafay dagaal qaraar oo ka dhacay Gobolka Hiiraan waxaa
lagu dilay in kabadan 30 dagaalame oo ka tirsan Al shabab iyadoona
gacanta lagu soo dhigay ilaa 3 dagaalame oo kooxda ka tirsan.
Ciidamada
Dowladda iyo kuwa degaanka ee Macawiisleeyda ayaa la wareegay dhul
balaaraan oo ay ku dhuumaalaysanayeen dagaalamayaasha Al shabaab, sida
ay cadeeyeena saraakiisha dagaalka wax ka hogaaminaysa waxaa
dagaaladaasi lagu dilay rag cadaan ah oo ka barbar dagaalamayay Al
shabaab.