
Isniin, December 22, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta guddoomiyey kulan lagu ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2026 ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.
Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka, hay’adaha dowladda iyo wakiillo ka socday ganacsatada, ayaa si aqlabiyad leh loogu ansixiyey miisaaniyad dhan $63,845,852.99, taas oo loogu talagalay hirgelinta barnaamijyo horumarineed oo wax ka qabanaya baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada ku nool caasimadda.
Kulanka ansixinta miisaaniyadda waxaa xaadiray 46 xubnood, iyadoo 45 ay oggolaadeen, halka hal xubin oo keliya ay diidday.
Waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeennada Maamulka iyo Maaliyadda, Hawlaha Guud, Arrimaha Bulshada, Xoghayaha Guud ee Gobolka, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, xubno ka socday Wasaaradda Maaliyadda, Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Muungaab, ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ee miisaaniyadda sanadka 2026 la siinayo horumarinta kaabayaasha bulshada, gaar ahaan dhismaha iyo dayactirka waddooyinka, biyo-mareennada, adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo daryeelka guud ee bulshada, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo nolol ka wanaagsan tan hadda jirta.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa xusay in maamulka uu horumar muuqda ka sameeyey dib-u-dhiska waddooyinka burbursanaa ee magaalada, kuwaas oo qaarkood la dhammeeyey, halka kuwo kalena ay marayaan marxaladda ugu dambeysa, isla markaana ay jiraan mashaariic kale oo dhawaan la bilaabi doono.