Madaxweynaha Somaliland oo joojiyay munaasibadda Xeer Ciise ee rabshadaha dhalisay

Sabti, December 6, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ku dhawaaqay inuu joojiyay munaasibadda xuska Xeer Ciise oo la qorsheeyay in 14-ka bishan lagu qabto magaalada Saylac, taasoo sababtay rabshado dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhacay magaalada Boorama.

Madaxweynaha, oo muddo 24 saacadood gudahood ah markii labaad la hadlay warbaahinta, ayaa taageeray go’aamada ay soo saareen odayaasha dhaqanka ee saaka gaadhay Boorama, kuwaas oo ku baaqay in la joojiyo munaasibadda, lana dejiyo xaaladda magaalada.

“Madaxweyne ahaan waxa aan diyaar u ahay wax kasta oo dhiigga dadkaygu ku baaqanayo, wax kasta oo ummaddaydu ku heshiinayso, iyo wax kasta oo qaranimada Somaliland iyo dadkayga dan u ah. Waxaan madaxweyne ahaan joojiyay munaasibadda xuska Xeer Ciise anigoo eegaya danta guud iyo dareenka ummaddayda,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Madaxweynaha ayaa faray ciidamada kala duwan inay adkeeyaan amniga, isaga oo sheegay inuu u tafo-xaydan doono sidii loo joojin lahaa dhiigga shacabka ee ku daadanaya Boorama, isagoo xusay in wax kasta ay ka muhiimsan yihiin nolosha dadka iyo wadajirka Somaliland.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo in dadka reer Somaliland ay ka heshiin doonaan arrinta khilaafka dhalisay, isla markaana wuxuu taageeray gogol nabadeed oo 10-ka bishan loo dhigi doono beelaha gobollada Salal iyo Awdal, taladaas oo ay soo jeediyeen madax-dhaqameedka.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, Cabdi Cali Aw Cabdi ayaa isna shacabka Awdal ugu baaqayaa inay is dejiyaan maadaama la joojiyay munaasibaddii buugga Xeer Ciise, waxa uuna shacabka u balanqaaday in lala xisaabtami doono ciidamadii sida khaldan hubka u adeegsaday iyo cid kasta oo hub isticmaashay. "Waxaan idinku adkaynayaa, shacabka sharafta leh, inaad nabadgelyada ilaalisaan oo magaaladiinna dhib kasta ka dhowrsataan" ayuu yidhi.

Xiisadda Boorama ayaa haatan kasoo yara degaysa sidii hore, iyadoo odayaasha dhaqanku ugu baaqeen shacabka inay guryahooda ku noqdaan. Si kastaba ha ahaatee, dhalinyaro cadhaysan ayaa weli samaynaya mudaharaadyo goos-goos ah oo qaar ka mid ah xaafadaha ka socda.

Waxaa intaa dheer, in weli ay jiraan dad hubaysan oo ku sugan buuraleyda u dhow magaalada, kuwaas oo saaka ku dilay saddex askari oo qayb ka ahaa ilaaladii madax-dhaqameed ka yimid Hargeysa oo ku sii jeeday Boorama.