
Sabti, December 6, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta soo saaray baaq nabadeed oo ku wajahan xiisadaha iyo rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada Boorama ee gobolka Awdal, halkaas oo ay ku dhinteen dad shacab ah oo banaanbaxay.
Bayaanka, oo uu ku saxeexan yahay Saalax Axmed Jaamac, ayaa marka hore lagu muujiyay tacsi qoto dheer oo loo dirayo qoysaska iyo ehellada dadkii ku dhintay mudaharaadyadii, iyadoo sidoo kale loogu duceeyay dadka ku dhaawacmay in Ilaahay u bogsiiyo si degdeg ah.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenku wuxuu sheegay in dhacdadii Boorama ay ahayd mid laga baaqsan karay, isla markaana ay muhiim tahay in colaaddaasi aanay u gudbin meelo kale ama aanay dhaawicin xasilloonida guud ee gobollada waqooyi.
Wuxuu ku adkeeyay in dawladdu taageersan tahay dhammaan dadaallada lagu ilaalinayo nabadda, wadajirka iyo wada-noolaanshaha bulshada Soomaaliyeed.
Saalax Axmed Jaamac ayaa hoosta ka xarriiqay in Somaliland ay kaga jiraan Soomaaliya doorkooda, isla markaana horumarka iyo nabadda ka jirta gobolka Awdal ay qayb ka tahay nabadeynta guud ee dalka.
Wuxuu ugu baaqay Somaliland inay si dhab ah uga shaqeeyaan isu soo dhaweynta bulshada, isla markaana ay dhegeystaan tabashooyinka shacabka si looga hortago khaladaad hor leh.
Sidoo kale, Jaamac wuxuu baaq u diray odayaasha dhaqanka, culimada, ganacsatada, aqoonyahanka, dhalinyarada iyo haweenka, isagoo ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan xoojinta midnimada bulshada iyo dib u soo celinta kalsoonida wada-noolaanshaha.
Baaqan ayaa kusoo beegmaya iyadoo xaaladda Boorama ay weli tahay mid kacsan, waxaana dowladda federaalku sheegtay inay diyaar u tahay kaalin kasta oo lagu dejinayo xiisadda isla markaana lagu xaqiijinayo badbaadada shacabka.
